Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Maaliyadda oo Washington kula kulmay madax ka tirsan Bangiga Adduunka iyo IMF
    October 14, 2025
    Soomaaliya oo diyaarinaysa Xildhibaanadii ku matali lahaa Baarlamanka EAC
    October 14, 2025
    Wasiir dowlaha Gaashaandhigga oo la kulmay danjiraha Midowga Yurub
    October 14, 2025
    Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka sameeyay Shabeellada hoose
    October 14, 2025
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay masiibadii 14-kii Oktoobar
    October 14, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Heerarkii uu soo maray shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dhamaystirka Doorashooyinka Dalka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Heerarkii uu soo maray shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dhamaystirka Doorashooyinka Dalka
Gudaha

Heerarkii uu soo maray shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dhamaystirka Doorashooyinka Dalka

By Agaasimaha SONNA
Last updated: April 3, 2021
6 Min Read
Share

Heerarkii uu soo maray shirka Golaha wadatashiga Qaran ee dhamaystirka doorashooyinka.

Muqdisho(SONNA):– Maanta oo sabti ah (3-April-2021) ayaa lagu ballansan yahay in uu Muqdisho ka furmo kullan uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaa oo u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa daba socda kulamo dhowr ahaa oo maalmo ka hor ka qabsoomay Afisiyooni kaas oo looga arinsanayay qabsoomidda doorasho la isla ogol yahay, oo ay ku wada qanacsan yihiin dhamaan Umadda Soomaaliyeed.

Sidee ayuu u qabsoomay kullankii uu Madaxweynaha dalka isugu yeeray madaxda MG iyo Gobolka Banaadir 22-Mar-2021?

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya 20 maarso ee sanadkan ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 22-ka Maarso 2021 ku baaqay shir lagu dhammeystirayo dadaalladii iyo wadaxaajoodyadii arrimaha doorashooyinka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan oo labo maalmood soconaya waxaa looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii Sebteembar 2020.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay ahmiyad wayn siiyaan shirkan lagu dhammeystirayo tabashooyinkii kasoo laabtay heshiiskii doorashooyinka si dalka loogu jiheeyo doorasho xor iyo xalaal ah.”

Shirkan oo ahaa mid dhinacyada Siyaasadda ay ku wada qanacsan yihiin qabsoomiddiisa ayaa furmay,waxaana ka soo qayb galay Madaxweynaha Dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Sadex Madaxda Maamul goboleedyada Koonfur-galbeed, Galmudug iyo Hirshabeele. Waxaa kulanka ka maqnaa Madaxda Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland oo muqdisho u yimid ka qayb galka shirkan balse ka baaqday sababo aan caddayn awgeed.

Madaxweynaha dalka ayaa furay shirka, waxaana looga arinsanayay qaabkii ay u qabsoomi lahayd doorasho lagu wada qanacsan yahay.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo warbaahinta la hadlay gaba-gabadii shirka ee maalinta koobaad ayaa sheegay in Shirku furmay, qorshahuna uu ahaa sii ambaqaadista wixii ka soo baxay heshiisyadii 17 Sibteembar ee Dhusamareeb iyo 16 Febraayo ee Guddiga Farsamada Doorashooyinka ay ku yeesheen Baydhabo la sii wado.

Waxa uu sheegay in maalinka koobaad ay aheyd maalin hor-dhac ah oo loogu talagalay kala war qaadasho iyo wareysi lab-xaarnaani ku dheehan tahay si loo guda-galo hawlaha iyadoo dhinacyado ay is-ogol yihiin. Waxa uu intaa ku daray in uu filayo in Madaxda labada Maamul goboleed ee Puntland iyo Jubaland ay ka soo qayb gali doonaan shirka, gogoshii Madaxweynuhuna ay wali furan tahay.

Maalinkii labaad ee shirka 23-Maarso ee sanadkan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka.

Kusimaha Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ahna Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abokor Dubbe ayaa ka warbixiyey qorshaha mideysan ee ay ka soo saareen Guddigu shirkii Talo-soojeedinta Arrimaha Farsamada Doorashooyinka ee Magaalada Baydhabo.

Guddiga ayaa la wadaagay Madaxda nuxurka talo-soojeedintooda ku aaddan doorashooyinka dalka, halbeegyada iyo jaantuska muhiimka u ah qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho loo dhanyahay oo waafaqsan heshiiskii doorashooyinka ee la meelmariyey.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Xubnaha Guddigan heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir qorshaha cad ee ku saabsan doorashooyinka dalka ee ay soo diyaariyeen, kaas oo dhammeystiraya shaqada mugga weyn ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka iyo hirgelinta heshiiskii 17-ka Sebtembar ee ay ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanka.

Gabagabadii shirka ayey Madaxdu Guddiga Amniga Qaranka ka dhagaysteen soo jeedintoodii Amaanka Doorashooyinka iyo Jaantuska ay ka soo diyaariyeen qabsoomidda Doorasho nabdoon,

Madaxda Maamul Goboleedyada Jubaland iyo Puntland ayaa iyagu ka maqnaa kulamadiinka dhacayay Garoonka Afisiyooni. Inkasta oo ay Muqdisho ugu sugaayeen ka qayb galidda kulamada doorashooyinka haddana kama aysan qayb galin Wada-hadaladii Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul-goboleedyadu kaga arinsanaayeen qabsoomidda Doorasho la isla ogol yahay.

Tan iyo Bishii Sibteembar sanadkii hore ayaa la isku mari la’ yahay sidii doorasho dalka uga dhici lahayd, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer tagay Dhuusa mareeb oo marti galinaysay wada-hadalada Doorashooyinka.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha dalka oo hor tagay Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya sheegay in uu marar badan Tanaasul u sameeyay sidii ay ku dhici lahayd doorasho loo dhan yahay ayna ku qanacsan yihiin dhamaan dhinacyada siyaasadda, balse ay ka suuragali wayday maamulada qaarkood.

Ugu danbeyn maanta ayaa lagu wadaa in uu Furmo shir kale oo Madaxweynaha dalka uu ku baaqay 1dii bishan april, si Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul-goboleedyadu uga arinsadaan sidii dalka uu u aadi lahaa Doorasho. Madaxda Puntland iyo Jubaland oo ka maqnaa kulamadii hore ayaa la filayaa in ay ka soo qayb gali doonaan shirkan lagu ballansan yahay in uu ka furmo Afisiyooni mar kale.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Maaliyadda oo Washington kula kulmay madax ka tirsan Bangiga Adduunka iyo IMF

Washington (SONNA): Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, iyo wafdi uu hoggaaminayo…

October 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Gaashaandhigga oo sheegay in Duqeyntii ka dhacday puntland lagu dilay xubno badan oo katirsana khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay duqeymaha ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen buuraha…

GudahaWararka
February 3, 2025

Ra’iisul Wasaare Xamse oo qaabbilay Safiiirka Indonesiya u jooga Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Indonesia u qaabilsan…

GudahaWararka
May 9, 2023

Waxgaradka degmada Luuq oo qaaday tallaabo dhiiri-gelineysa dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Luuq, (SONNA): Odayaasha iyo waxgaradka Degmada Luuq ayaa Saraakiisha Ciidamada qalabka sida ku wareejiyay dhowr-neef oo geel ah, kuwaa oo…

GudahaWararka
July 18, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal hambalyo ah u diray Dowladda iyo Shacabka Jabuuti

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee…

GudahaWararka
June 27, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023