calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Wasiirka Gaashaandhigga JFS oo kulan miro dhal ah la yeeshey ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga JFS oo kulan miro dhal ah la yeeshey ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya
Wasiirka Gaashaandhigga JFS oo kulan miro dhal ah la yeeshey ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya — SONNA
Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JFS Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan miro dhal ah la yeeshey ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya,Waxayna kawada hadleen sidii loo dardar gelin lahaa Qorshaha Kala-guurka Qaran iyo sidii Ciidanka Xoogga Dalka ay ula wareegi lahaayeen amniga guud ee dalka. Waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen in lasii kordhiyo Dib-u-habeynta ciidamada, sare u qaadidda howlgallada Amisom. Ugu dambeyntiina wuxuu Wasiirka u caddeeyey inay ka go’an tahay Dowladda Federaalka inaan Ciidanka Xoogga la siyaasadeyn, kuna ekaadaan waajibaadkooda qaran. Wasiirka ayaa uga mahadceliyey ergeyga gaarka taageerada ay la garab taagan yihiin sidii Soomaaliya ay u hanan laheyd amniga dalka.
La wadaag