calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Caalamka

Mareykanka oo ergey cusub u soo magacaabay Geeska Afrika

Mareykanka oo ergey cusub u soo magacaabay Geeska Afrika
Mareykanka oo ergey cusub u soo magacaabay Geeska Afrika — SONNA
David Satterfield, oo ah safiirka Maraykanka ee Turkiga ee xilka ka sii degaya, ayaa la filayaa in maaalmaha soo socda uu la wareego xilka wakiilka Geeska Afrika, sida lagu sheegay  bayaan ka soo baxay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken. Ergeygaasi cusub waa  ruug-caddaa ka tirsan waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka,wuxuuna heystaa khibrad afartan sano ah ,isagoo hadda ah safiirka Maraykanka ee Turkiga. Ergeygii hore hore  ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Jeffrey Feltman ayaa xilka ka tagaya maalmaha soo socda, ka dib sanad dalal ka mid ah Geeska Afrika,sida Itoobiua iyo Suudaan ay ka dhaceen dagallo iyo khalalaso siyaasadeed oo geystay dhimasho iyo barakac. Dibolomaasigaasi ayaa xilka ka dagaya ka dib markii maalinimadii shalay uu la kulmay Diblumaasiga Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.  
La wadaag