calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Caalamka

Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini'aadanimada

Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini'aadanimada
Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini'aadanimada — SONNA
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa la guddoonsiiyay Abaalmarin ay bixisay Hey’adda WHO Europe ,taas oo la xiriirtay dadaalka uu ku bixiyay  dadaallada bani'aadanimo   ee lagu badbaadinaayey dadka reer  Falastiiniyiin. Abaalmarintaan waxaa guddoonsiiyay Mr.Erdogan Agaasimaha Hey’adda Caafimaadka ee qaabilsan Yurub Hans Kluge ,xilli lagu jiray Shirweynihii 11-aad ee Caafimaadka oo ka dhacay Ankara. Madaxweynaha ayaa Sidoo kale abaalmarintaasi ku helay doorka uu ka qaatay fududeynta daadgureynta dad rer Gaza ee u baahnaa gurmad caafimaad. Munaasabadda abaalmarintaasi waxaa ka hadlay Madaxweyne Erdogan ,isagoo dalalka caalamka ku dhaleeceeyay aamusnaanta bulshada dunida ee ku aadan burburka loo geysanaayo isbitaallada , dilka shaqaalaha caafimaadka iyo xasuuqa lagula kacay ddka rayidka ah ee u badan hooyada iyo dhallaanka,gaar ahaan labadii sano ee u dambeysay.
La wadaag