Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hoggaamiyaha K/Galbeed oo kulan xog-wareysi ah la qaatay Odayaasha Dhaqanka
    June 14, 2026
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ
    June 14, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya
    June 14, 2026
    Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacadda Ruwaanda oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo dhinacyada waxbarashada 
    June 14, 2026
    TALIYAHA CIIDANKA XDS OO SHIR GUDDOOMIYAY SHIRKA SUBAXLAHA EE TALISKA GUUD EE CIIDANKA 
    June 14, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Garsoore Cumar Cartan waxaa laga yaabaa inay sidaasi kheyr ugu jirto
    June 10, 2026
    Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha
    June 9, 2026
    Warbixin cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’
    June 3, 2026
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed ee da’doodu ka yar tahay 17-sano oo galabta sameynaya taariikh cusub
    June 13, 2026
    Bulshada Soomaaliyeed oo ka falcelisay soo celinta Garsoore Cumar Cartan
    June 11, 2026
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
Reading: Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Caalamka > Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
CaalamkaWararka

Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan

By SB
Last updated: February 28, 2026
2 Min Read
Share

Ankara(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Türkiye, Hakan Fidan, ayaa Jimcihii khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa dalalka Pakistan, Afghanistan, Qatar iyo Sacuudi Carabiya, si ay uga wada hadlaan iska horimaadyadii hubeysnaa ee u dhexeeya Pakistan iyo Afghanistan, kuwaas oo sababay dhimashada tobanaan askar iyo dad rayid ah.

Khamiistii, Afghanistan ayaa weerarro ka fulisay xadka Pakistan, iyadoo sheegtay in tallaabadaasi ay jawaab u tahay duqeymo ay Ciidanka Cirka Pakistan ka fuliyeen gudaha Afghanistan Axaddii, kuwaas oo sababay dhimashada dad badan. Islamabad ayaa sheegtay inay dishay 70 “argagixiso,” halka mas’uuliyiinta Afghanistan iyo Qaramada Midoobay ay soo sheegeen khasaarooyin rayid, arrintaas oo Pakistan ay beenisay.

Sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed oo Turki ah, Fidan ayaa la xiriiray Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan Ishaq Dar, Wasiirka Arrimaha Dibadda Afghanistan Amir Khan Muttaqi, Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudi Carabiya Faisal bin Farhan, si loo dejiyo xaaladda.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray iska horimaadyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay xadka Pakistan iyo Afghanistan.
Xiriirka labada dal ayaa sii xumaanayay bilihii la soo dhaafay, iyadoo Pakistan ay ku eedeysay maleeshiyaad inay ka howlgalaan gudaha dhulka Afghanistan, arrintaas oo Kabul ay beenisay.

Xiisadda labada dal ayaa cirka isku shareertay bishii Oktoobar ee sanadkii hore, markii ciidamada Afghanistan ay weerareen saldhigyo xuduudeed oo Pakistan leedahay, maalmo uun kadib markii Ciidanka Cirka Pakistan ay duqeymo ka fuliyeen gudaha Afghanistan.

Türkiye iyo Qatar ayaa door dhexdhexaadin ah ka qaatay dejinta xiisadda iyo gaarista xabbad-joojin u dhexeysa labada dal.
30-kii Oktoobar, war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Türkiye ayaa lagu sheegay in kulan lagu qabtay magaalada Istanbul ay ka qeybgaleen Türkiye, Qatar, Afghanistan iyo Pakistan, si loo xoojiyo xabbad-joojintii hore loogu gaaray magaalada Doha, taas oo ku timid dhexdhexaadinta Türkiye iyo Qatar.

Xigasho: anadolu agency.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo kulan xog-wareysi ah la qaatay Odayaasha Dhaqanka

Baydhabo,(SONNA):- Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan isugu jiray…

June 14, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Ingiriiska oo kaalmo dhaqaale ugu yaboohday dalal ay Soomaaliya ka mid tahay

LONDON-SONNA-Wasiirka arimaha dibadda Boqortooyada Ingiriiska Dominic Raab ayaa bayaan uu soo saaray ku shaaciyay in dowladdiisu ay  gargaar dhaqaale u…

GudahaWararka
September 5, 2020

Wasiirka maaliyadda oo daah-furaymashruuca kobcinta maamulka khayraadka dadweynaha

Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya mudane Biixi Iimaan Cige ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay mashruuca…

GudahaWararka
November 1, 2023

Madaxweyne Farmajo oo bogaadiyay dadaalka Xukuumadda ee xakameynta cudurka Covid-19

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka internetka kaga qeyb galay shirka joogtada ah ee Guddiga…

Wararka
May 7, 2020

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay ku simaha ergayga gaarka ah ee QM ee  Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo axad…

GudahaWararka
May 26, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023