calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Khilaaf xooggan iyo is Qaarajin ka dhex bilaabatay hoggaanka Al- Shabaab

Khilaaf xooggan iyo is Qaarajin ka dhex bilaabatay hoggaanka Al- Shabaab
Khilaaf xooggan iyo is Qaarajin ka dhex bilaabatay hoggaanka Al- Shabaab — SONNA
Muqdishu-(SONNA)- Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay qaarajisay Muuse Macallin (Mucaawiye) oo ahaa madaxii hore ee amniyaadka kooxda ee Muqdisho. “Saqdii dhexe ee xalay ayaa Bu’aale lagu dilay Muuse Macalin, oo horay isaga casilay madaxii Amniyaadka Gobolka Banaadir ee Al-shabaab” ayaa lagu xusay qoraalka NISA. Sidoo kale NISA ayaa sheegtay in Xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaadka gobolka Banaadir ee Al- Shabaab, Cumar Maxamed, amarka dilkaas oo uu bixiyay horjoogaha Al-Shabaab Axmed Diiriye NISA ayaa todobaadkii hore shaacisay in khilaaf xoogan uu soo dhex galay kooxda al-shabaab hogaankeeda sare,ka dib markii Axmed Diiriye uu Mahad Karataay iyo Bashiir Qoorgaab ka saaray golaha fulinta ,kana xayuubiyay dhamaan xilalkii ay ka hayeen kooxda. Tallaabadan ayaa timid ka dib markii ay labada nin dalbadeen joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka Muqdisho sida lagu sheegay qoraalka NISA ay soo saartay todobaadkii hore, waxaana arinkaas dartii is casilay Muuse Macalin (Mucaawiye). Bashiir Qoorgaab oo ahaa abaanduulihii ciidamada Al-shabaab kana mid ahaa ragga ka soo horjeestay amiirka kooxdaas,waxaa kadib lagu dilay duqayn ay ciidamada Mareykanka fuliyeen 22-kii Febraayo sida uu sheegay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM).
La wadaag