calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Guddoomiye Madaale" Shalay dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday Suuqa Bakaarah ".

Guddoomiye Madaale" Shalay dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday Suuqa Bakaarah ".
Guddoomiye Madaale" Shalay dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday Suuqa Bakaarah ". — SONNA
Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in argagixisadu ay yihiin kuwa ka ganacsada dhiigga umadda oo aan wax naxariis ah lahayn. Mudane, Madaale oo ka hadlayay munaasabad lagu daah-furayay bandhigga suuq weynaha Muqdisho ayaa intaa ku daray in dad masaakiin ah oo carruurtiisa usoo shaqa tagay bam loo dhigo laguna dilo ay tahay wax Islaamnimada ka fog. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in musiibadii shalay ka dhacday Bakaaraha aynu ku weynay dad badan oo qiimo lahaa, kuwaas oo isugu jira noocyada bulshada, wuxuuna Alle ugu barrayay naxariis. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa hadalkaan ka sheegay suuq weynaha Muqdisho oo maanta ka furmay Caasimadda, isagoo ku tilmaamay fursad shaqa abuur ah oo kusoo bbiirtay magaalada Muqdisho. Dhallinyarada oo uu ku tilmaamay lafdhabarka bulshada ayuu guddoomiyuhu faray in ay ku dedaalaan wax dalkooda iyo dadkuba kobcinaya qurxiyana mustaqbalkooda.
La wadaag