Gudaha
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Daah-furay Shir looga Hadlay Sugnaanta Cuntada, Nafaqada iyo Isbeddelka Cimilada

Muqdisho,(SONNA):- Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Guutaale, ayaa maanta daah-furay shir hal maalin soconaya oo diiradda lagu saarayo horumarinta Sugnaanta Cuntada, Nafaqada, Isbeddelka Cimilada iyo hirgelinta Yoolalka Horumarka Waara (SDGs).
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay khubaro iyo mas’uuliyiin ka kala socday hay’adaha Qaramada Midoobay, wasaaradaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada iyo hay’adaha kale ee dowladda, kuwaas oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo isku-dubbaridka dadaallada lagu horumarinayo amniga cuntada, nafaqada iyo u adkeysiga saameynta isbeddelka cimilada.











La wadaag



