calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Wasiirka gaashaandhigga oo kormeer ugu tagay ciidamada ku sugan degmada Cadale

Kormeerkan ayaa ah mid sare loogu qaadayo heerka heeganka iyo tayada ciidanka

Wasiirka gaashaandhigga oo kormeer ugu tagay ciidamada ku sugan degmada Cadale
Wasiirka gaashaandhigga oo kormeer ugu tagay ciidamada ku sugan degmada Cadale — SONNA

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo maalmahan ku guda jiray dardargelinta howlgalada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab ee ka socda deegaannada ka tirsan gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe, ayaa maanta kormeer ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka ee ku sugan degmada Cadale.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ciidamada ku bogaadiyey guulaha isdaba-joogga ah ee ay ka soo hooyeen dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada Al-Shabaab.

Wasiirku waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyey ciidamada inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda, isagoo carrabka ku adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go'an tahay xoreynta dhammaan deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan kooxaha argagixisada.

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ciidamada faray inay sii xoojiyaan howlgalada isla markaana adkeeyaan heeganka iyo wada-shaqeynta ay la leeyihiin shacabka, si loo dardargeliyo dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada Al-Shabaab.

Taliyuhu waxa uu caddeeyey in dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada uusan hakad geli doonin ilaa laga xaqiijinayo amniga guud ee dalka, lagana saarayo kooxaha argagixisada dhammaan goobaha ay weli ku dhuumaaleysanayaan.

La wadaag