Wararka
Wasiirka dhalinyarda oo magacaabay Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka
Magacaabista ayaa ujeedadeedu tahay dardargelinta Hawlaha ahmiyadda u leh dhalinyarada

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo cayaaraha Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali waxaa uu Md. Cabdikaafi Maxamuud Makaraan u magacaabay Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, si mudnaan gaar ah la siinayo hawlaha balaarran ee dhallinyarada Soomaaliyeed ee horutabinta u leh Golaha Dhallinyarada Qaranka.
Magacaabistan ayaa ku soo aadaysa xili ay Dowladda xooga saartay, sidoo kalana mudnaan sare siisay hawlaha la xiriira horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed sida: wacyigalinta, awood siinta dhallinyarada, shaqa abuurka, sare u qaadista xirfadaha iyo guud ahaan xoojinta kaalinta culus ay dhallinyarada Soomaaliyeed ku leeyihiin hannaanka dowlad dhiska dalka.
Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay Golaha Dhallinyarada Qaranka ayaa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga waxaa ay u rajaynaysaa in uu si hagar la’aan ah uga shaqeeyo hawlaha horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed iyo in Alle uu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday.



