Wararka
Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo Ethiopia kaga qaybgalay Madasha Horumarinta Suuqyada Xoolo-dhaqatada Afrika
Shirka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta suuqyada xoolaha, kobcinta maalgashiga iyo xoojinta iskaashiga dalalka Afrika

Addis Ababa (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS, Mudane Xasan Xuseen Maxamed, ayaa magaalada Addis Ababa kaga qaybgalay Shirka Heer Wasiir ee Madasha Horumarinta Suuqyada Xoolo-dhaqatada Afrika (APMD), oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Midowga Afrika u qaabilsan Khayraadka Xoolaha (AU-IBAR).
Shirka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta suuqyada xoolaha, kobcinta maalgashiga iyo xoojinta iskaashiga dalalka Afrika, si loo dardargeliyo kobaca dhaqaalaha ku saleysan xoolaha.
Wasiir Xasan Xuseen Maxamed ayaa madasha ka jeediyay warbixin uu ku faahfaahiyay horumarka ay Soomaaliya ka samaysay dib-u-habaynta siyaasadaha xoolaha, xoojinta adeegyada caafimaadka xoolaha, ballaarinta helitaanka suuqyada iyo dhiirrigelinta doorka ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Wuxuu xusay in xooluhu ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha Soomaaliya, isla markaana ay nolol u yihiin malaayiin qof, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay weli ka mid tahay dalalka ugu horreeya caalamka ee dhoofiya xoolaha nool.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay mudnaanta siinayso warshadaynta hilibka, horumarinta silsiladaha wax-soo-saarka iyo casriyeynta kaabeyaasha xoolaha, si loo abuuro fursado shaqo oo ay ka faa’iideystaan dhallinyarada iyo haweenka, loona kordhiyo dakhliga ka soo xarooda dhoofka.
Intii uu socday shirka, Wasiirka ayaa soo bandhigay mashaariicda muhiimka ah ee ay Soomaaliya waddo, kuwaas oo ay ka mid yihiin Nidaamka Maaraynta Xogta Suuqyada Xoolaha Soomaaliya (LIMS), Nidaamka Aqoonsiga iyo Raadraaca Xoolaha (SOMLITS), iyo diyaarinta Qorshaha Guud ee Maalgashiga Xoolaha Soomaaliyeed.
Gabagabadii, Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS, Mudane Xasan Xuseen Maxamed, ayaa ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya dowladaha Afrika, ururrada gobolka, hay’adaha horumarinta iyo ganacsatada, si loo kordhiyo maalgashiga, loo horumariyo silsiladaha wax-soo-saarka xoolaha, loona adkeeyo sugnaanta cuntada iyo kobaca dhaqaalaha qaaradda Afrika.






