Gudaha
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda JFS Oo Qadka Taleefoonka Kula Hadlay Dhiggiisa Sacuudi Carabiya

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali (Dhaay), ayaa maanta wadahadal dhinaca taleefanka ah la yeeshay Amiir Faisal bin Farhan Al Saud, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Labada Wasiir ayaa intii uu socday wada hadalkoodu carabka ku adkeeyay sida ay uga go'an tahay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga u dhexeeya Dowladdaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya.
Amiirka ayaa sidoo kale sheegay taageerada hagar la'aanta ah ee Boqortooyada Sacuudiga u hayso madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed iyo gobannimada siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, labada wasiir ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta amniga badaha caalamiga ah iyo xaqiijinta xorriyadda isu socodka maraakiibta.



