Wararka
Wasiirka Warfaafinta oo soo dhoweeyey xubno ka tirsan bahda fanka
Fanaaniinta iyo abwaanadu waxay kaalin weyn ka qaadanayaan xuska maalmaha xoriyadda

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay fanaanka Saalax Sanaag, Abwaan Cabdiraxmaan Fiili iyo Asad Xaajiyow oo ka mid ah dadka saamaynta ku leh baraha bulshada.
Soo dhoweyn kadib, Wasiirka Warfaafinta ayaa kala hadlay xubnahan diyaar-garowga Toddobaadka Xorriyadda iyo kaalinta ay bahda fanka iyo warbaahintu ku leeyihiin. Wasiirku wuxuu sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga qayb qaato weyneynta maalmaha qaran ee nagu soo fool leh.
Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, oo ka mid ah xubnaha Guddiga Toddobaadka Xorriyadda, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sanadkan si heer sare ah u xusi doonto maalmaha qaran ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo, kuwaas oo astaan u ah halgankii iyo midnimadii shacabka Soomaaliyeed.







