Gudaha
Wasiirka Warfaafinta XFS oo Muqdisho uga qeyb galay kulan lagu taageerayay doorashada dadweyne ee qof iyo codka

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa magaalada Muqdisho caawa uga qayb galay munaasabad lagu taageerayay dardargelinta hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod ee guud ahaan dalka gaar ahaan deegaannada Dowlad gobolleedka Hirshabeelle oo laga soo doortay.
Kulankaa oo ay isugu yimaadeen qeybaha bulshada beelaha Jareerweyne ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, odayaal dhaqameed, waxgarad, haween, dhallinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ka qaybgalayaashu waxay si weyn u bogaadiyeen dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan hirgelinta nidaamka doorashooyinka qof iyo codka ah, iyagoo muujiyay taageeradooda iyo garab istaaggooda geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka, gaar ahaan u diyaar garowga doorashooyinka deegaannada Hirshabeelle.
Intii ay socotay munaasabaddu, waxaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si toos ah u doortaan hoggaamiyeyaashooda, iyadoo la tilmaamay in doorashada qof iyo cod ay tahay tiirka lagu xoojinayo dimuqraadiyadda, dowladnimada, isla markaana kor loogu qaadayo ka qaybgalka shacabka ee go’aan ka gaarista cidda matalaysa.
Ka qaybgalayaashu waxay bulshada Soomaaliyeed ugu baaqeen inay ka faa’iidaystaan xuquuqdooda dastuuriga ah, isla markaana si nabad iyo mas’uuliyad leh uga qayb qaataan doorashooyinka, si loo helo hoggaan ku yimaada rabitaanka shacabka.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in doorashada qof iyo cod ay tahay xaq dastuuri ah oo uu leeyahay muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyay shacabka inay ka faa’iidaystaan fursaddan taariikhiga ah si ay codkooda ugu doortaan hoggaanka dalka guud ahaan gaar. ahaan deegannada Hirshabeelle oo dadka ay u diyaar garoobayaan in ay codkooda dhiibtaan.




















