Wararka
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Wasiirkii difaaca ee dalka Jabuuti
Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa tacsi u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Jabuuti, geerida ku timid Wasiirkii Difaaca ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed Burhaan.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ku tilmaamay marxuumka mas’uul qaran oo muddo dheer si hagar la’aan ah ugu adeegay dalkiisa, door muuqdana ka qaatay hoggaaminta iyo horumarinta hay’adaha difaaca ee Jabuuti, iyo xoojinta taageerada dalkiisu u fidiyo dadaallada dib-u-soo-celinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale tacsi u diray qoyska, ehellada, Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti, Ciidamada Qalabka Sida ee dalkaas, iyo ciidamada Jamhuuriyadda Jabuuti ee qaybta ka ah hawlgalka AUSSOM, isagoo Alle uga baryay inuu marxuumka hoygiisa ka dhigo Jannatul Firdowsa, qoyskiisa, ehelladiisa iyo guud ahaan shacabka Jabuutina ka siiyo samir iyo iimaan.
