calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Wasiir Fartaag iyo Safiirka Koonfurta Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga iyo Badaha Soomaaliya

Wasiir Fartaag iyo Safiirka Koonfurta Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga iyo Badaha Soomaaliya
Wasiir Fartaag iyo Safiirka Koonfurta Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga iyo Badaha Soomaaliya — SONNA

Muqdisho,(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xarunta Wasaaradda kulan kula yeeshay Safiirka Koonfurta Kuuriya ee Soomaaliya, Mudane Kang Hyung-shik, waxaana kulankaan Wasiirka ku wehliyey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Jeneraal Sulub Axmed Firin, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Shire.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Koonfurta Kuuriya ee dhinacyada amniga badaha, horumarinta hay’adaha amniga, la-dagaallanka burcad-badeedda, iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo Ciidanka Badda Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay tababarrada, is-dhaafsiga khibradaha iyo taageerada farsamo.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Koonfurta Kuuriya taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal si loo horumariyo amniga, nabadda iyo xasilloonida.

La wadaag