Wararka
Wasaaradda arrimaha gudaha oo Muqdisho ku qabatay kulan ku aaddan nabadgelyada dhiska
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray khibradaha shaqo ee nabad dhiska, si loogu adeegsado hawlaha soo socda

Muqdisho (SONNA): Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa si rasmi ah u furay kulan farsamo oo lagu falanqeynayo khibradaha laga bartay isku xirka dadaallada nabad-dhisidda iyo dhex-dhexaadiyeyaasha, kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray dhismaha Shabakad Soomaaliyeed oo lagu magacaabo National Insider Peacebuilders, Mediators and Nabadoons Network, taas oo door muhiim ah ka qaadan doonta geeddi-socodka nabad-dhisidda dalka.
Kulankan ayaa isu keenay culimo, aqoonyahanno ku howlan nabad-dhisidda, iyo wakiillo ka socda hay’adaha dowladda, UNDP iyo Berghof Foundation, si looga wada hadlo loona qaabeeyo habab wadajir ah oo bulshada lagu xoojinayo ka-qaybgalkeeda, loogana shaqeynayo dib-u-heshiisiinta, isku duubnida bulshada iyo hirgelinta nabad waarta oo ka hanaqaadda guud ahaan dalka.






