Wararka
Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo bogaadisay Diblomaasiyiin la magacaabay

Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa hambalyo u dirtay Danjire Shaafici Nuur Calas iyo Danjire Cabdifataax Maxamed Ibrahim oo manta la magacaabay , waxayna u rajaynaysay guul iyo waxqabad wanaagsan inta ay u adeegayaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa intii uu socday kulankoodii toddobaadlaha ahaa, u dallacsiiyay Mudane Shaafici Nuur Alas, Madaxa Shaqaalaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, darajada Danjire, waxaana sidoo kale si wadajir ah loo ansixiyay magacaabista Mudane Cabdifataax Maxamed Ibraahim oo loo magacaabay Danjire.
Magacaabistan Diblomaasiyiintan ayaa muujinaysa sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, kor u qaadidda xirfadda iyo tayada howl-wadeennada diblomaasiyadda Soomaaliyeed, si loo horumariyo mudnaanta siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka loona xaqiijiyo matalaad dhab oo ay Soomaaliya ku yeelato fagaarayaasha caalamiga ah.



