calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray magaalada Baydhaba

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray magaalada Baydhaba
Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray magaalada Baydhaba — SONNA

Muqdisho(SONNA);-Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo masuuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Baydhaba u tegay ka qaybgalka munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), taas oo la filayo inay ka dhacdo magaalada Baydhaba, iyadoo ay ka soo qaybgalayaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

La wadaag