Gudaha
Soomaaliya oo hamblyo u dirtay Dowladda iyo Shacabka Aljeeriya

Muqdisho,(SONNA):- Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda sanad-guurada 64-aad ee ka soo wareegatay maalinta xorriyadda Dalka u dirtay Dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga shacabka ee Aljeeriya.
Wasaaraddu waxay ay dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Aljeeriya u rajaynaysaa nabad waarta, barwaaqo iyo horumar joogto, iyadoo xaqiineysa xiriirka soo jireenka ah ee saaxiibtinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya labada dal.
La wadaag



