Wararka
Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dalka

Muqdisho,(SONNA):-Wasiiru- Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamsa Aadan Xaadow, ayaa maanta qaabilay Maareeyaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Mudane Hideki Matsunaga, iyo wafdi uu hoggaaminayay, kulanka ayeey uga wada hadleen xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxda Bangiga Adduunka.
Kulanka ayaa lagu falaanqeeyay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta lagu taageerayo mudnaanta horumarineed ee Soomaaliya, gaar ahaan iskaashiga hay'adaha dowladda, isdhexgalka gobolka, iyo diblomaasiyadda dhaqaalaha.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa uga mahadcelisay Kooxda Bangiga Adduunka taageerada joogtada ah iyo iskaashiga muddada dheer ee ay la leedahay Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kaalinta ay ka qaadato horumarinta dalka iyo dib u-habeynta hay'adaha dowladda.
Labada dhinac ayaa ugu dambeeyay isla qaatay sida ay uga go'an tahay sii xoojinta iskaashiga, si loo taageero horumar waara, koboc dhaqaale, iyo barwaaqo muddo dheer ah oo ay Soomaaliya gaarto.









