calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay danjiraha Dowladda Jabuuti

Kulanka ayaa looga hadlay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay danjiraha Dowladda Jabuuti
Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay danjiraha Dowladda Jabuuti — SONNA

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u qaabilsan Soomaaliya Mudane, Col, Cusmaan Dubad Sugulle iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Dowladda Jabuuti Mudane Col, Cabdiraxmaan Cali Kaahin, oo soo booqday dalkeenna Soomaaliya.

Kulanka ayaa daarnaa salaan Iyo booqasho uu Taliyaha Boliiska Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ugu yimid Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xamsa Cabdi Barre isaga oo uu wehelinayo Safiirka Dowladda Jabuuti Mudane Cusmaan Dubad Sugulle, iyada oo masuuliyiintu ay ka wada hadleen iskaashiga labada dowladood ee walaalaha ah iyo shacab Soomaaliya iyo Jabuuti.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyay booqashadooda ay ugu yimaadeen, isaga oo xusay in xiriirka Soomaaliya ibo Jabuuti uu ku salaysan yatay walaalnimo iyo is garabsi buuxa oo dhinacyo badan leh.

Safiirka ayaa dhankiisa ku ammaanay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, sida ay uga go’antahay xoojinta xiriirka walaalnimo ee Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo dadaalka ay Xukuumadda DanQaran ku bixisay dhismaaha iskaashi ku salaysan danaha labada dal.

La wadaag