Gudaha
Ra'iisul wasaare Xamsa" Doorashooyinka ku dhisan sharciga dalka iyo rabitaanka shacabka waa tiir muhiim u ah dimuqraadiyadda iyo xasilloonida dalka"

Baydhabo,(SONNA):- Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Baydhabo uga qeyb galay kunaasabadda caleema-saarka hoggaamiyaha Dowlad-gobolleedka Koonfur Galbeed Mudane Aadan Maxamed Nuur ( Aadan Madoobe).
Ra'iisul wasaaraha ayaa sheegay in Doorashooyinka ku dhisan sharciga dalka iyo rabitaanka shacabka ay yihiin tiir muhiim u ah dimuqraadiyadda iyo xasilloonida dalka, isaga oo dhanka kale, dhiirigeliyay sii wadida Doorashooyin madax-bannaan oo lagu kalsoon yahay xoojineyso kalsoonida shacabka.
"Sii ambaqaadidda doorashooyin madax-bannaan oo lagu kalsoon yahay waxa xoojinaysaa kalsoonida shacabka, waxayna dhiirrigelinaysaa in si nabad ah loogu tartamo hoggaanka, iyada oo la ilaalinayo dastuurka iyo nidaamka dowladeed."
Sidoo kale, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay dhammaan dhinacyada ka qeyb-qaatay qabsoomidda doorashadii ka dhacday Koonfur Galbeed Soomaaliya, wuxuuna hambalyo u diray hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed.
" waxaanna hambalyo leeyahay Hoggaamiyaha la caleemo-saaray Mudane Aadan Maxamed Nuur, waxaan u rajeynaya in uu si hufan ugu adeego shacabka Koonfur Galbeed, isla markaana uu door muuqda ka qaato xoojinta wadajirka, nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska dalkeenna,".














