Gudaha
Maxkamadda sare re ciidamada qalabka sida oo xukun ku riday afar eedeysane oo ka tirsanaa Khawaarijta

Muqdisho,(SONNA):- Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa xukun ku riday afar eedeysane oo ka mid ah kooxda Khawaarijta, kuwaas oo qaabilsanaa fulinta qaraxyada, dilalka gaadmasa ah, basaasid, tashkiilin iyo kala gudbinta qaraxyada xubnaha kooxda.
Afarta eedeysane ee Maxkamadda xukuntay ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Cabdullaahi Cabdulle ( Suldaan), Aweys Cabdalla Cali ( Kaamiri ( Shubka Saciid), Cabdinaasir Cali Axmed ( Ikraama) iyo Xasan Isaaq Rooble (Diiriye), Waxaana seddex kamid ah lagu qabtay Kululeysada Raashinka & Gasaca rinjiga oo ay ku jireen Waxyaabaha Qarxa & Sidoo kale Agabyo kale oo ay ku howlgalayeen.
Maxamed Cabdullaahi Cabdulle (Suldaan), ayaa horey uga tirsanaa Kooxdii Xasbul Islaam ee burburtay, Billowgii 2012 ayuuna ku biiray Khawaarita oo fikirkooda aad ula dhacsanaa, waxaana laga dhigay darawal kala gudbiya Hubka, Aweys Cabdalla Cali Kaamiri (Shubka), ayaa Khawaarijta ku Biiray Sanadkii 2017, kadib Tashkiilinta Eedeysanaha 1aad Maxamed Cabdullaahi Cabdulle Suldaan, Markiisii hore Basaasnimo & inuu soo gudbiyo Xogaha Ciidamada, ayaa loo Xilsaaray, balse mar dambe, ayaa loo soo beddelay Muqdisho, si uu u qabto Fulinta dilalka gaadmada ah iyo Qarxinta Baalooyinka ay ku xiran Kaamirooyinka CCTV oo Khawaarijta ay u arkeen Culeys ay ka qaban waayeen howlahooda argagixisanimo.
Kow iyo Labaatankii Bishii Kow iyo Tobnaad ee Sanadkii 2024 ayey afartaba kasoo muuqdeen Maxkamadda Darajada 1aad ee CQS, Dhowr fadhi oo Garsoorka ay ka yeesheen Kiiskooda, ayey kasoo saareen Xukuno kala duwan, Balse Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada oo baaris kale kadib helay Raadad, Cadeymo dheeraad ah, Qasaaro Baaxad weyn & dhibaneyaal markii hore aan la helin sababo la xiriira inay ku maqnaayeen Caafimaad dibada ah, ayaa qaatay Racfaan.
Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida oo aqbashay Racfaanka xafiiska Xeer Ilaalinta, ayaa Lix iyo Tobankii Bishaan u fariisatay Ka Garnaqinada Kiiska Afartaan Eedeysane, Maanta ayeyna Go’aan kasoo saartay Galkaan.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee CQS Liiban Cali Yarow oo warbaahinta u akhriyay xukunka Maxkamadda ayaa ayaa in Aweys Cabdalla Cali Kaamiri (Shubka Saciid) iyo C/naasir Cali Axmed (Ikrama) lagu xukumay Xabsi Daa'in (Cimrigaa haku Furto) Sidoo kale Saciid Xasan Isaaq Rooble (Diiriye), ayaa lagu Xukumay Shan iyo Toban Sano oo Xabsi Argagixiso ah, Halka Maxamed Cabdullaahi Cabdulle (Suldaan) lagu Xukumay Toban Sano Xabsi Argagixiso ah.



