Wararka
Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray munaasabadihii lagu xusay maalmaha xorriyadda
Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa magaalada Muqdisho ku soo xiray munaasabadihii Todobaadka Xorriyadda ee lagu maamuusay 66-sano-guuradii 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo, isagoo abaalmarinno guddoonsiiyay Guddiga Qabanqaabada Todobaadka Xorriyadda.
Munaasabadda ayaa lagu bogaadiyay dadaalkii lagu xaqiijiyay in munaasabadaha Todobaadka Xorriyadda ay u dhacaan si habsami leh, iyagoo ka tarjumayay qiimaha ay xorriyaddu, midnimadu iyo dowladnimadu u leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay dadaalka Guddiga Qabanqaabada, gaar ahaan doorkii ay ka qaateen isku-dubbaridka iyo hirgelinta barnaamijyadii kala duwanaa ee lagu maamuusay Todobaadka Xorriyadda, iyadoo xubnaha guddiga la guddoonsiiyay shahaadooyin iyo abaalmarinno lagu aqoonsanayo waxqabadkooda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in xuska maalmaha xorriyadda iyo midnimada dalka uu yahay fursad dib loogu milicsado halgankii dheeraa ee loo soo maray dowladnimada Soomaaliya, isla markaana la xoojiyo dareenka waddaniyadeed, midnimada shacabka iyo himilada dhismaha qaran xooggan oo isku filan.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dhammaan ciidamada, mas’uuliyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay munaasabadaha sanadkan, isaga oo Shahaadooyin ka turjumaya howlkarnimadooda guddoonsiiyay mas'uuliyiinta guddiga iyo howl-wadeenada muujiyay dadaalka dheeriga ah



