calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo madaxtooyada qaranka ku qaabilay Duqa magaalada ST. LOUIS PARK ee dalka Mareykanka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo madaxtooyada qaranka ku qaabilay Duqa magaalada ST. LOUIS PARK ee dalka Mareykanka
Madaxweyne Xasan Sheekh oo madaxtooyada qaranka ku qaabilay Duqa magaalada ST. LOUIS PARK ee dalka Mareykanka — SONNA

Muqdisho,(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay gabadha soomaaliyed ee Naadiya Maxamed oo ah Duqa Magaalada St. Louis Park, Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, taasi oo dhowaan dalka soo gaartay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Guddoomiye Naadiya ku bogaadiyey guulaha iyo doorka muuqda ee ay ka gaartay hoggaaminta iyo ka qaybgalka siyaasadda dalka ay ku nooshahay, isaga oo tilmaamay in guulaha noocaas ahi ay ka tarjumayaan kartida, dadaalka iyo kaalinta wax-ku-oolka ah ee bulshada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin horumarka caalamka.

Madaxweynaha ayaa Guddoomiye Naadiya kula dardaarmay in ay xoogga saarto ka qayb qaadashada xoojinta xiriirka soo jireenka ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Mareykan iyo sare u qaadidda kaalinta ay qurba-joogtu ku leeyihiin dib u dhiska dalka, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta maalgashiga.

Dhankeeda, Duqa Magaalada St. Louis Park, Marwo Nadia Mohamed ayaa uga mahadcelisay Madaxweynaha soo dhoweynta diirran, waxayna adkaysay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka, dhiirrigelinta iskaashiga iyo taageeridda dadaallada lagu horumarinayo Soomaaliya, iyada oo tilmaantay in ay lama filaan ku noqotay amniga iyo horumarka ka socda caasimadda dalka ee Muqdisho.

La wadaag