Gudaha
Madaxweynaha JFS oo waddo cusub ka dhagax dhigay Baydhabo

Baydhabo,(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha waddo laami ah, oo isku xiri doonta Garoonka Diyaaradaha Shaati Guduud iyo saldhigga dhexe ee magaalada Baydhabo.
Dhismaha waddadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ku horumarinayaan kaabeyaasha dhaqaalaha, fududeynta isu socodka bulshada iyo gaadiidka, kor u qaadista adeegyada magaalada iyo dardargelinta koboca ganacsiga.



La wadaag



