Gudaha
Maareeyaha Guud eee Dekadda Muqdisho oo booqday xarunta Dowladda hoose ee Sea-Tac

Baydhabo,(SONNA):- Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Seattle ee dalka Mareykanka, ayaa maanta booqday Xarunta Dowladda Hoose ee SeaTac, halkaas oo uu si diirran ugu soo dhoweeyey Duqa Magaalada SeaTac, Mudane Maxamed Cigaal.
Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga hay’adaha, is-weydaarsiga khibradaha maamulka iyo horumarinta dekedaha, iyo abuurista fursado wada shaqeyn oo waxtar u leh Dekedda Muqdisho iyo hay’adaha gobolka Seattle.
Booqashadan Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho, ayaa qeyb ka ah safarka shaqo ee Maareeyaha Guud uu ku joogo magaalada Seattle ee dalka Mareykanka.



La wadaag



