Gudaha
Howlgal Qorsheysan oo Lagu Bartilmaameedsaday Argagixisada

SONNA:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Farsoleey.
Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda khawaarijta Al-Shabaab, waxaana warbixinnada hordhaca ah lagu xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan 15 xubnood, halka 20 kalena lagu dhaawacay. Sidoo kale, ciidamada ayaa burburiyay xarumo iyo goobo ay kooxdu u adeegsan jirtay abaabulka iyo qorsheynta falalka amni-darrada.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay sii wadi doonaan howlgalada lagu ciribtirayo argagixisada, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed.

La wadaag



