Gudaha
Hoggaamiyaha Maamulka Waqooyi Bari oo lagu soo dhoweeyay Baydhabo

Baydhabo,(SONNA):- Hoggaamiyaha maamulka Waqooyi Bari Mud. Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ee Dowlad gobolleeska Koonfur Galbeed halkaas oo uu maalinta berri ah kaga qayb geli doona caleemasaarka madaxda la doortay ee DKG.
Hoggaamiyaha iyo weftigiisa waxaa gegida diyaaraduhu ka haadaan ee Shaati Guduud ku soo dhaweeyey dhiggiisa Mud. Md. Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda KG.
Wafuud kala duwan oo ka socda Dowlad federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo maalinta beri lagu wado in ay ka qabsoonto xafladda caleema-saarka hoggaamiyaha maamulkaas Aadan Maxamed Nuur ( Aadan Madoobe).













