Gudaha
Hoggaamiyaha Hirshabeelle oo Baydhabo lagu soo dhoweeyay

Baydhabo,(SONNA):- Wafdiga Hoggaamiyaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa galabta waxaa garoonka diyaaraddaha Shaati-gaduud ee magaalada Beydhabo kusoo dhaweeyay Hogaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Sheekh Aaden Maxamed Nuur.
Hoggaamiyaha ayaa ka qeybgali doono munaasabada caleema-saarka Hogaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo berri ka dhici doonto magaalada Beydhabo.
Ugu dambeyn, hoggaamiye Cali Guudlaawe ayaa kaga mahadceliyey dhiggiisa iyo shacabka Koonfur Galbeed soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay.








La wadaag



