calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo kaalmo raashin ah ka qaybisay deegaano ka tirsan Hiiraan

Bulshada kaalmadan ka faa'iideysatay ayaa ka mid ah kuwa u nugul saamaynta Abaaraha

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo kaalmo raashin ah ka qaybisay deegaano ka tirsan Hiiraan
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo kaalmo raashin ah ka qaybisay deegaano ka tirsan Hiiraan — SONNA

Baladweyne (SONNA): Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta bulshada ku nool deegaannada Kabxanleey iyo Deefow ee hoostaga magaalada Beledweyne, xarunta gobolka Hiiraan, waxa ay gaarsiisay deeq gargaar raashin ah, taas oo lagu caawinayo bulshada nugul ee ay saameeyeen abaaraha.

Gargaarkan oo ah mid dhammaystiran ayaa u badnaa cuntooyinka daruuriga ah, kuwaas oo loogu talagalay in lagu yareeyo xaaladda adag ee ay wajahaan qoysaska nugul.

Hay’adda SoDMA waxaa gargaarkan kala shaqeeyay sidii loo gaarsiin lahaa deegaannadan Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqalaha Buluuga XFS, Mudane Axmed Xasan Aadan, waxaana deegaankan ku matalayay wakiillo uu hoggaaminayay Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Hirshabeelle, Cabdiwaaxid Maxamed Xuseen.

Goobta lagu qeybinayay gargaarka waxaa goobjoog ka ahaa Cabdifitaax Maxamed Yuusuf, Agaasimaha Xiriirka Dowlad-goboleedyada ee Hay’adda SoDMA, isagoo mid mid bulshada ka faa’iideystay mucaawinadan uga xog wareystay baahiyaha ay wajahayaan.

La wadaag