calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar

Masar waxa ay ka mid tahay dowladaha carbeed ee Soomaaliya la leh calaaqaad xooggan oo dhinacyo badan taabanaya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar — SONNA

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Carabta Masar u qaabilsan Arrimaha Afrika, Danjire Maxamed Kariim Fu’aad.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bani’aadannimada, maareynta musiibooyinka, iyo horumarinta awoodaha hay’adaha ka shaqeeya samatabbixinta iyo gurmadka degdegga ah.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa wafdiga Masar warbixin ka siiyay xaaladda bani’aadannimo ee dalka, caqabadaha jira iyo dadaallada socda ee wax looga qabanayo xaaladahaas, sidoo kale, waxa uu uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Masar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyn, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Carabta Masar u qaabilsan Arrimaha Afrika, Danjire Maxamed Kariim Fu’aad, oo uu kulanka ku weheliyay Safiirka Jamhuuriyadda Carabta Masar ee Soomaaliya, Danjire Maxamed Saalax, ayaa xaqiijiyay in dowladda Masar ay sii wadi doonto taageerada iyo garab-istaagga ay la leedahay Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo wax ka qabashada arrimaha bani’aadannimada iyo maareynta musiibooyinka.

La wadaag