Wararka
Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii argagixiso ee Syria ka dhacay
Dowladda Soomaaliya waxay si cad u diiddan tahay argagixisada iyo xagjirnimada

Muqdisho (SONNA): Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarkii argagixisanimo ee lala beegsaday caasimadda Suuriya ee Dimishiq.
Dowladda Soomaaliya waxay si cad u diiddan tahay argagixisada iyo xagjirnimada rabshadaha ku dhisan nooc kasta iyo muuqaal kasta oo ay yeeshaan, iyadoo mar kale adkaynaysa sida ay uga go'an tahay taageeridda dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo horumarinta nabadda, amniga iyo xasilloonida.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa garab istaaggeeda buuxa oo ay la garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Carabta Suuriya, waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa dhammaan dhibbanayaasha iyo dadka uu saameeyay weerarkaan argagixisanimo, waxayna u rajaynaysaa dhaawacyada in alle siiyo caafimaad degdeg ah.
Sidoo kale, waxay ay Dowladda Soomaaliya ku baaqaysaa in sharciga la horkeeno dhammaan kuwii ka dambeeyay weerarkaan.



