Wararka
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Hindiya oo ka qaybgalay kulanka 28-aad ee Guddida Madaxda Sare ee Ururka Wadamada Dhaca Badweynta Hindiya
Kulankan oo soconaya muddo laba maalmood ah, 15–16 June 2026, ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista waxqabadkii ururka muddadii la soo dhaafay, qiimeynta caqabadaha horyaalla, iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalka xubnaha ka ah ururka.
Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Hindiya, Mudane Dr. Cabdullahi MaxamMed Odowa, oo matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka qaybgalay kulanka 28-aad ee Guddida Madaxda Sare ee Ururka Wadamada Dhaca Badweynta Hindiya (Indian Ocean Rim Association (IORA)).
Kulankan oo soconaya muddo laba maalmood ah, 15–16 June 2026-ka, ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista waxqabadkii ururka muddadii la soo dhaafay, qiimeynta caqabadaha horyaalla, iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalka xubnaha ka ah ururka.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu diyaarinayaa talooyin iyo ajandayaal muhiim ah oo loo gudbin doono, kulanka Guud ee Golaha Wasiirrada ee dalalka xubnaha ka ah (IORA) si loo sii ambaqaado dadaallada lagu horumarinayo iskaashiga, amniga badaha, iyo horumarinta bulshooyinka ku nool hareeraha Badweynta Hindiya.


