Wararka
Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay
Ciidamada dab-damiska iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ee Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay inay damiyaan dab xooggan oo maanta ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa goordhow ku guuleysatay daminta dabkii sakay ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Madax katirsan Gobolka Banaadir ayaa saakay ilaa hadda ku sugan goobta dambka ka kacay, waxaana la soo warinayaa in dabkaasi uu sababay khasaare hantiyadeed.
Ciidamada dab-damiska iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ee Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay inay damiyaan dab xooggan oo maanta ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Masuuliyiin ku sugan goobta ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in dabka la xakameeyay, kadib dadaal ay sameeyeen ciidamada dab-damiska, ganacsatada iyo shirkadaha oo iskaashaday.
Sidoo kale, waxaa la bilaabay baaritaan lagu ogaanayo sababta rasmiga ah ee keentay dabkaas oo galaaftay goobo ganacsi iyo hanti badan.
Dhanka kale, hay'adaha ay khuseyso ayaa bilaabay qiimeynta heerka khasaaraha ka dhashay dabka, iyadoo aan weli la shaacin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan baaxadda waxyeellada ama khasaaraha ka dhashay dhacdadan.
"Sheyna iima badbaadin maanta waxaan waayay hanti aan aruurinayay 16-sano,Murugo ayaan dareemayaa waxaan ahay qof ceyr-toobay", sidaasi waxaa yiri:- Mid ka mid ah Ganacsatada ku hanti beelay dabka ka kacay Suuqa Bakaaraha



