calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Ciidamada amniga Baladweyne oo ka hortagay fal argagixiso oo ay maleegayeen labo dhabar-qabe

Ciidamada amniga Baladweyne oo ka hortagay fal argagixiso oo ay maleegayeen labo dhabar-qabe
Ciidamada amniga Baladweyne oo ka hortagay fal argagixiso oo ay maleegayeen labo dhabar-qabe — SONNA

Muqdisho,(SONNA):- Ciidamada ammaanka ee magaalada Beledweyne ayaa caawa ka hortegay fal argagixiso oo labo dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta ay qorsheynayeen inay ka geystaan xaafadda Xaawo-taako ee magaaladaas.

Ciidamada ayaa toogtay hal dhagarqabe, iyagoo nolosha ku qabtay dhagarqabihii kale.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in shacabka magaalada Beledweyne ay ka qeyb qaateen ka hortagga falkii ay geysa rabeen dhagarqabayaashaas.

Gudaha Magaalada Beledweyne ayaa caawa lagu soo bandhigay meydka dhagarqabaha la dilay iyo midka nolosha lagu qabtay, iyadoo shacabka iyo ciidamada ammaanka ee magaaladaas ay muujiyeen isku doobni ay kaga hortegayaan falalka guracan ee Khawaarijta.

La wadaag