calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Caalamka

163 tahriibe oo laga soo badbaadiyay xeebaha Liibiya

163 tahriibe oo laga soo badbaadiyay xeebaha Liibiya
163 tahriibe oo laga soo badbaadiyay xeebaha Liibiya — SONNA
Liibiya.(SONNA):- Dowladda Liibiya ayaa sheegtay in lasoo badbaadiyay 163 tahriibe kuwaas oo kusii jeeday qaaradda Yurub. Taliyaha ilaalada xeeabaha Liibiya ayaa sheegay inay ku guulesteen soo badbaadinta dadkaan tahriibayay oo watay laba doon. Taliyaha ayaa intaas ku daray in dadka lasoo badbaadiyay kasoo jeedaan wadamada Afrikaanka ah, inakasta uusan xusin magacyada wadamadooda. Dalka Liibiya ayaa noqday sanadihii ugu danbeeyay dariiqa inta badan ay maraan tahriibayaalka doonaya inay galaan  qaaradda Yurub. Hay'adda Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha qaxootiga ayaa sheegtay in dowladda Liibiya soo celisay in ka badan 11 kun  sanadkii 2020, halka ay ku dhinteen xeebaha Liibiya  isla sanadkaas 381 oo qof, iyadoona la waayay 597 qof.
La wadaag