Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Dunida
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Dunida
GudahaMaqaallada

Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Dunida

By Kulane
Last updated: May 3, 2021
5 Min Read
Share

Saxaafaddu waa muraayad laga  daawado  taariiikhda soo jireenka ah iyo horumarka dhaqan dhaqaale ee ka muuqda waxbarashada,tiknolojyada iyo guud ahaan ilbaxnimada  dunida ee soo jirtay mudada fog.

Dalka Soomaaliya waxaa 20-kii sano ee u dambeeyay ka hanaqaaday saxaafad xor ah oo ay taabagalinteeda ama dhismaheedu lahaayeen  aqoonyahanno ka kooban dad wax ku bartay gudaha iyo kuwo kale oo ku soo barbaabaray dibadda, isla markaana doorbiday in ay wax ka baddalaan warbaahinta Soomaalida oo muddo badan ku soo jirtay gacan mileteri iyo caburin xad dhaaf ah.

Dhismaha warbaahinta Soomaalida waxa ay ku bilowdeen qaab ganacsi iyo dano kale oo laga lahaa ujeeddo siyaasadeed,sidaa aawadeed, waxaa suurtagashay in ay soo baxaan suxuufiyiin badan oo ku guuleystay aasaasidda ururo saxaafadeed  oo ilaaliya  danaha iyo xuquuqda suxuufiyiinta ,isla markaana diyaariyay shuruucda lagama maarmaanka u ah warbaahinta.

Waxaa xaqiiqo ah in Xilligaan warbaahinta Soomaaliya,ay ku tallaabsatay horumar lixaad leh ,ka dib kolkii qeybaha bulshadu ay heleen saxaafad xor ah oo ay ku gudbin karaan fikradaha isdiidan,kuwa wax dhisaya iyo kuwa kale ee lagu dhaliilayo hogaamiyaasha umadda.

Inkastoo Warbaahinta Soomaaliya ay gaartay guulo wax ku ool ah, haddana, waxaa muuqda dhaliillo ay leeyihiin qaar ka mid ah suxuufiyiinta ka howlgala gudaha dalka iyo dibadda,kuwaas oo u qaatay in saxaafadda lagu soo bandhigi karo qoraallo ama hadal  kasta oo laga dheehan karo wax dumin,caadifad iyo nin jecleysi.

Iyadoo la dareemayo in doorka  saxaafadda uu yahay mid qiimo weyn  ku leh bulshada xilligaan waxaa soo ifbaxaya suxuufiyiin badan oo kaalin muhiim ah ka qaatay geedi socodka nabadda iyo rajo soo celinta umadda, wallow dhinaca kale ay jiraan dayac ka muuqda suxuufiyiinta oo la xiriira maqnaanshaha xagga tababarka  iyo guud ahaan kor u qaadidda garaadka ama aqoonta suxufiga.

Qaladaadka xagga warbaahinta ee ay galaan suxuufiyiinta ama madaxda xarumaha,waa kuwo si toos ah u taabanaya shaqada ay u hayaan bulshada isla markaana sumcad xumo ku abuuraya kalsoonida kala dhexeysa umadda,si taasi looga fogaadana waxaa lama huraan ah in jagooyinka loo magacaabayo  tifatirayaasha iyo madaxda barnaamijyada ay noqdaan kuwo aqoon durugsan u leh Saxaafadda.

Suxufiga dhabta ah waa midka ka shaqeeya horumarka dadka iyo dalka ee ma aha kan u adeega dad  gaar ah isla markaana buunbuuniya ceebaha iyo dhaliilaha lagu tilmaamo  hogaamiyaasha qaar ,waxaana mudan in aad adeegsato  qaab asluubeysan oo aad ku gudbin karto dhibaatooyinka jira.

Suxuufiga waa in waxa uu gudbinaayo uu latashiyo kala sameeyo madaxda  si meesha ay uga baxdo tayo xumo soo wajahda qaab dhismeedka waxsoosaarka warbaahinta iyadoo maanka la galinaayo in dadka lala hadlaayo ay yihiin aqoonyahanno,kuwo kula siman iyo kuwo kaa liita.

Xusuusnoow adeegsiga saxaaafadda ee aad ku howlgaleyso  waa seef laba afla ah, macnaha waxaa loola jeedaa cid ayaad ku dulmin kartaa ha noqdaan shaqsiyaad, mas’uuliyiin ,dowlad ama hogaamiyaal bulsho marna wax ayaad ku dhisi kartaa sida horumarka dadka iyo dalka, hana ku sifoobin  aalad ay adeegsadaan dadka fidno abuurka ah ee u taagan fulinta dano  gaar ah iyo kuwo shisheeye.

Isku day in aad dhexdhexaad ka noqoto hardanka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda,iskana ilaali in aad la safato garab,waxaana haboon in aad hakiso ama joojiso qoraal ama hadal kasta oo ka hor imaanaya danta dadka iyo dalka.

U diid  warbaahintaada in ay adeegsadaan cid kasta oo daneyneysa in ay kiciyaan mowjado qabiil iyo kuwo u xusul duubaya in la wiiqo dowlad kasta oo xilkedu yahay oo celinta karaamadii ay lahaayeen dadka iyo dalka.

Ogoow suxufi haddii la garab-maro anshaxa saxaafadda in ay jiraan hey’ado amni iyo kuwo garsoor oo awood u leh in ay kaa qaadaan tallaabo sharci ah oo horseedi kara in lagu soo taago maxkamad, kadibna aad halkaa ku weydo magacii iyo sumcaddii aad laheyd,mana ahan wax xun sheeg waxyaabaha uu suxufigu ku gaaro maqac iyo maqaam .

Waxaa lama huraan ah in dowladda iyo madaxda shirkadaha warbaahinta ay u howlgalaan sidii tababarro aqoon kororsi ah oo la xiriira xirfadda saxaafadda loo siin lahaa shaqaalaha qeybaha warbaahinta.

Haddaba,R/wasaaraha Xukuumadda Federalk Soomaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wasiirka Warfaafinta Mudane Cismaan Abokor Dubbe ayaa maanta dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska mmaalinta xoriyadda Saxaafadda Dunida,aawgeed, u diray shaqaalaha Saxaadda Dunida,gaar ahaan Saxaafadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

R/Wasaaruhu,waxa uu u rajeeyay shaqaalaha iyo maamulada qeybaha Saxaafadda in ay halkaasi ka sii wadaan howlaha culus ee ay u hayaan umadda.

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiye Sacdiya oo Shir guddoomisay kulankii gudidda joogtada ee golaha Shacabka BJFS

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwa Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo uu wehlinayay Guddoomiye Ku-xigeenka…

GudahaWararka
November 23, 2023

Wasiirka Cadaaladda oo furay kulan ku saabsan dhameystirka iyo daahfurka machadka sare ee horumarinta sharciga

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Xasan Macallin Maxamud, ayaa maanta si rasmi ah u furay kulan…

GudahaWararka
February 20, 2025

Wasaaradda warfaafinta oo soo gabangabaysay tababar ku saabsan maareynta qataraha baraha bulshada

Muqdisho (SONNA): Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo xirtay kulanka Wadatashiga…

GudahaWararka
July 7, 2025

Guddiga arrimaha gudaha & amniga ee Golaha shacbka oo booqasho ku tagay xarunta SODMA

Muqdosho (SONNA):- Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA…

GudahaWararka
January 25, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023