Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul
    June 1, 2026
    Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga
    June 1, 2026
    Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo kormeeray ciidanka XD ee ku sugan duleedka Baydhabo
    May 31, 2026
    WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA
    May 31, 2026
    Jadwalka imtixaanka  fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay
    May 31, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe (warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe (warbixin)
GudahaMaqaallada

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe (warbixin)

By Kulane
Last updated: January 7, 2023
5 Min Read
Share

Waxaa nasiib darraa in muddo afar sano ah oo ka soo wareegatay qaraxii Soobbe ee galaaftay in ku dhow dad gaaraya kun iyo shan boqol oo ruux, in weli ay jiraan kooxo hubeysan oo u ooman daadinta dhiigga dadka,isla markaana doonaya in ay wiiqaan midaamka dowladdnimo iyo dadaalada kale ee loogu jiro horumarinta adeegyada bulshada iyo soo celinta amniga dalka.

Marka loo eego,horumarka baahsan ee uu gaaray dalka iyo mustaqbalka wanaagsan ee u ifaya dadka,ka sokoow,waxaa muuqda kooxo baal maray nidaamka suuban oo ka been-sheegay diinta, diidanna hannaanka dowladnimo ee dalka,kuwaas oo sida cad faraha la galay dagaallo ay ku hoobteen shacab aad u fara badan oo birimageydo ah.

Xuska 14-ka Oktoobar waa maalin murugo oo loo sameeyo qeybinii bulshada ee naftooda iyo hantidooda ku waayey qaraxii Soobbe oo shan sano ka hor ka dhacy Magaalada Muqdisho,kaas oo reebay xasuus lama iloowaan ah oo aan ka go’eyn qalbiyada umad sanado badan ku soo jirtay dagaallo sokeeye oo haatan doonaya in ay u gudbaan nidaam sal adag oo horseeda nabad iyo barwaaqo.

Dhacdadaan oo laheyd naxdin iyo amakaag,ayaa sababtay in maalin qura ay dhibaatooyin isugu jiray dhimasho,dhaawacyo  iyo burbur hanti ay soo gaarto dad kau dhow kun iyo shan boqol oo -ruux oo ahaa kuwo meherado ganacsi ku lahaa isoyska Soobe iyo dad socota ah oo marayey halkaasi.

Tirakoob rasmi ah oo la sameeyay ayaa muujinaya in ay dhinteen in ka badan 500 oo ruux,isla markaana uu dhaawacyo kala duwan soo gaaray ku dhawaad 300 oo qof,halka la waayey ,dad gaaraya 54- oo illaa haddda aan la ogeyn meel ay ku dambeeyeen raq iyo ruux.

Qaraxaasi foosha xun ee ay ka dambeeyeen kooxaha nabad-diidka ee adeegsada fikirka gurracan, Waxaa marka laga yimaado khasaaraa nafeed ee soo gaaray dadka, ku burbuay hanti lagu qiyaasay $6.3 Milyan oo isugu jirtay nuucyada adeegyada ganacsiga,gawaari iyo dhismayaal.

Jawaabo wax ku ool ah oo ay bixiyeen dadka Soomaaliyeed,ayaa dhaliyay in si  degdeg ah loogu gurmado ehelada qeybihii bulshada ee la kulamay dhibaatooyinka qaraxaasi,waxaana tallaabadaasi lagu tilmaamay mid muujineysa damiirka iyo dhaqanka suuban ee ay leeyihiin dadka Soomaalida.

Waxaa xaqiiqo ah in dowladda federaalka iyo dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha iyo dibadaha ay u howlgaleen bixinta lacago malaayiin doolar ah oo xirfado ganacsi loogu abuuray eheladii uu saameeyay qaraxii Soobbe.

Waa dhab in ay jiraan dad daacad ah oo xilli kasta  u taagan badbaadinta bulshada iyo ka qeybqaadashada horumarka dalka,taasina waa wax u gaar ah dadka Soomaaliyeed oo ay kaga duwan yihiin shucuubta kale ee caalamka.

Haddaba,waxaa manta Magaalada Muqdisho ka dhacay xuska maalinta 14-ka Oktoobar oo ah xasuuqii ugu xumaa ee loo geysto dad rayid ah oo ku sugnaa meherado ganacsi iyo kuwo kale oo socoto ah oo marayey agagaarka isgoyska Soobbe.

Inkastoo qaraxyadu ay yihiin kuwo aan joojineyn ama aan wax u dhimeyn horumarada socda,haddana,waxaa habboon in si wadajir ah looga shaqeeyo soo celinta amniga dalka iyo la dagaalanka qof kasta oo loo arko in ay lid ku yihiin danta dalka iyo dalka.

Sida cad,wadajir ayaa lagu badbaadin karaa dal jira,sidaa daraadeed,waa muhiin in ciidan iyo shacabba ay ka shaqeeyaan danta umadda,gaar ahaan waxyaabaha u baahan in hoos loo eego sida ilaalinta xasiloonida dalka,daryeelka bulshada , ka qeybgalka barnaamijyada horumarineed iyo dhismaha  dalka .

Sidoo kale,haddii lagu shaqeeyo caqli saliim ah,waxaa suurtagal ah in ay badbaadaan shacbiga,isla markaana la bartilmaameedsado cid kasta oo ku howlan sameynta dambiyo dasgaal oo ka dhan ah aadanaha.

Dowlad iyo shacab,waa in xil la iska saaro sidii mudnaanta loo siin lahaa amniga,Waxaanna aaminsan nahay in bulsho mideysan oo diyaar ah ay ku dhaqaaqi karaan la dagaalanka cid kasta oo wax u dhimaya amnga dalka.

Si mar kale aysan u dhicin dhacdo la mid ah tii Soobe waa in qof kasta ay u howlgasho xilka kaga aadan dhowrista dowladnimada iyo guud ahaan soo celinta amniga iyo kala dambeynta  oo si gaar ah u taabanaya dhaqdhaqaaqa bulshada.

SONNA

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

laamaha amniga Mudug oo gacanta ku dhigay gaari sidday sahay ku socotay khawaarijta

Ciidamada laamaha amniga Gobolka Mudug ayaa gacanta kusoo dhigay laba eedeysane iyo gaari ay wateen oo ku socday deegaanada Dumaaye…

Gudaha
September 6, 2024

Guddoomiyaha Maxkamadda sare JFS oo daahfuray Imtixaan ay u fadhiisteen 1,766 qof.

Muqdisho,(SONNA):-Guddoomiyaha Maxkamadda sare JFS Mudane Baashe Y. Axmed, ayaa maanta daahfuray imtixaan ay u fadhiisteen 1,766 qof oo u tartamaayey…

GudahaWararka
September 21, 2023

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay laba Hindise Sharciyeed 

Muqdisho(SONNA):-Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo kulan ku yeeshay xarunta golaha ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Ayniga…

GudahaWararka
October 7, 2024

Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha garoon diyaaradeed iyo mashaariic kale

Warsheekh, Juun 29, 2025 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah…

GudahaWararka
June 29, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023