Wararka
Wasiiru dowlaha Amniga “Saraakiishii iyo ciidamadii ku lugta lahaa dilkii guddoomiyaha degmada Hodan gacanta ayaa lagu dhigay”

Loading SONNA…
Wararka



Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda qiimaha badan ee 26-ka June ee xorriyadda gobollada Waqooyi la wadaagtay guud ahaaى Shacabka Soomaaliyeed, shaqaalaha dowladda iyo kuwa madaxa bannaan. Wasaaradda Shaqada XFS ayaa sidoo kale ku wargelisay dhamaan hay'adaha dowladda, kuwa aan dowliga ahayn iyo kuwa gaarka loo leeyahay in maalinta Sabtida oo ay Taariikhdu ku began tahay 27-ka June ay fasaxanyihiin,maadaama uu xeerku qabo in haddii uu maalinka fasaxu ku aado Jimcaha loo raro maalinta xigta.

Muqdisho-(SONNA)-Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa kulan la qaatay wakiillo ka socday Shirkadda Mogadishu Al-Port Corp. Albayrak-Somalia. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta daahfurnaanta, isla-xisaabtanka iyo u hoggaansanaanta waajibaadka maaliyadeed ee la xiriira heshiiska maamulka Dekedda Muqdisho. Hantidhowraha Guud ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in warbixinnada maaliyadeed ee la baaray lagu soo gudbiyo waqtigooda, si loo xoojiyo dabagalka iyo hubinta dakhliga dowladda. Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu soo dhoweynayaa wada-shaqeynta dhinacyada ay khuseyso, isaga oo sii wadi doona doorkiisa ku aaddan horumarinta daahfurnaanta, isla-xisaabtanka iyo maamulka maaliyadeed ee hufan.