Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Sarreeye Guuto Elio Manes oo si Rasmi ah u La Wareegay Taliska Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya
    January 30, 2026
    Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah
    January 30, 2026
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Akhriso:- Horumarka iyo Waxqabadka Dowladda ee Todobaadka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Akhriso:- Horumarka iyo Waxqabadka Dowladda ee Todobaadka
GudahaWararka

Akhriso:- Horumarka iyo Waxqabadka Dowladda ee Todobaadka

By SB
Last updated: February 8, 2023
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Daud Aweis Jaamac oo uu wehliya Ergayga midowga Afrika ahna Madaxa Hawlgalka ATMIS Mohamed El-amine Souef oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay horumarka todobaadka ee dowladda, xaaladda dalka iyo guulaha laga gaaray Waxqabadka dowladda ee todobaadkan

Haddaba halkaan ka akhriso qodobada ugu muhiimka

Waxqabadka dowladda ee todobaadkan
Muqdisho, Arbaco 08/02/2023

1- Hawlgalada ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab ayaa weli si habsami leh uga socda qeybo badan oo dalka ka mid ah. Cadowga ayaa xaalkiisu uu sii daciifayaa , iyadoo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay sii xajisteen guulihii ay gaareen toddobaadyadii la soo dhaafey.

Dhanka kale, qaar ka mid ahaa Khawaarijta ayaa u hoggaansamey baaqii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa inay isa soo dhiibaan si dhaqan celin loogu sameeyo kadibna ay bulshada dib uga mid noqdaan. Khawaarijta ayaa goobaha ay iska soo dhiibeen waxaa ka mid ah HirShabeelle, Koonfuur Galbeed iyo Galmudug.

2- Dhanka kale Shir Madaxeedkii Waddamada Safka Hore ee ka dhacay Muqdisho uuna Shir Guddoomiyay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa la isku afgartey in si wadajir ah la isaga kaashado dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab, isla markaana Somalia lagala shaqeeyo sidii cunaqabateynta hubka ee saran looga qaadi lahaa.

Madaxda ka soo qeybgashey shirka waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Ismail Omar Gelle, Madaxweynaha Kenya, William Ruto iyo Raโ€™iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed.

3- Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa isna toddobaadkan meel mariyay Sharciga dhismaha Hayโ€™adda Nabad Sugidda kaas oo muhiim u ah helista xogta, sugidda amniga qaranka iyo weliba doorka hayโ€™adda ee dagaalka lagula jiro argagixisada. Sharcigan waxaa uu sare u qaadayaa hufnaanya shaqo ee hayโ€™adda, qeexidda waajibaadka shaqo ee hayโ€™adda , la xisaabtanka iyo daah furnaanta NISA.

Sidoo kale Golaha Wasiirada waxaa uu dhowaan uu ansiciyey heshiis iskaashi milateri oo u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Caraba.

Heshiiskan waxaa uu Soomaaliya ka caawinaya in la helo ciidan ku filan oo ka hawlgala goobaha laga xoreynayo Khawaarijta iyo inay ciidankan qeyb ka noqdaan barnaamijka xasilinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay horkaceyso.

Sidoo kale waxaa ay Dowladda Soomaaliya ku guuleysatey inay wiiqdo awoodda dhaqaale ee Al Shabab, iyadoo dhanka kalena u mahad celineysa shacabka oo si weyn ula shaqeeyay dowladda. Waxaa mar kale shacabka loogu baaqayaa inay sii wadaan taageerada ay u fidinayaan dowladda kana foojignaadaan inay wax iskaashi iyo xiriir ah la yeeshaan argagixisada.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku baaqey in la joojiyo colaadda ka taagan magaadala Laas Caanood. Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa sheegay in dhibaatada ka taagan halkaasi ay tahay mid siyaasadeed una baahan xal siyaasadeed, isagoo hoosta ka xariiqay in la xishmeeyo rabitaanka dadka degaanka Laas Caanood.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dadaal ugu jira sida dhammaan dhinacyada halkaasi isku haya ay miiska wadahadalka u imaan lahayeen si xal loo gaaro.

5- Waxaa si guul leh magaalada Baydhabo loogu soo gabagabeeyay shirkii wada-tashiga dib-u-heshiisiinta siyaasaddeed iyo kan bulsheed ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed Somalia.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo fulinaya hal ku dhigge Soomaali Heshiis ah, ayaa shirkaasi soo xiray waxaana uu ku bogaadiyay dhinacyada siyaasadda ee Koonfuur Galbeed ee halkaasi ku gaarey heshiiska siyaasadeed ee muhiimka u ah nabadda degaanka iyo weliba gulufka dagaalka looga soo horjeedo argagixisada.

Qodobka ugu muhiimsan ee heshiiska laga gaarey ayaa ah xiliga doorashada madaxtinimada ee Dowlad Goboleedka KGS oo la isku raacey inay noqoto bisha January ee sannadka 2024-ka.

6- Somalia ayaa qarka u saaran inay noqoto dalka 8aad ee xubin ka noqda Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa ee EAC. Waxaa Muqdisho lagu soo gabagabeeyay barnaamijkii xaqiijinta sida ay Somalia diyaar ugu tahay ku biirista ururka, iyadoo ay dalka joogeen xubno ka socday ururka oo hawshaasi loo xilsaarey. Xubnahaasi Soomaaliya yimid ayaa muujiyay rajo weyn kadib markii ay ku qanceen hanaanka ay u shaqeeyaan hayโ€™afaha dowliga iyo kuwa ururrada bulshada ee dalka si loo waafajiyo hayโ€™adaha waddamada kale ee ururka ku jira.

7- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa todobaadkan furay kulanka farsamo ee arrimaha doorashooyinka dalka ee guddiga farsamo ee ka talabixinta arrimaha doorashooyinka.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi oo bogaadiyay shaqada guddiga ayaa tibaaxay ahmiyadda ay leedahay arrimaha doorashooyinka dalka, isagoo sheegay Wasiirka in xasilloonida dalka ay ku xiran tahay doorashooyinka dalka. Hannaankan waxaa looga gol leeyahay in muhimad la siiyo doorashooyinka lagana hortago caqabadaha iyo is-mariwaaga arrimaha doorashada ee mararka qaar amniga waddanka khatar gelin kara

8- Tallaabooyin la doonayo in lagu xoojiyo daah furnaanta iyo isla xisaabtanka ayaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay dhowaan fulin doontaa barnaamijka tirakoobka shaqaalaha dowladda. Barnaamijkan waxaa daahfuray Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka.

9- Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare (WWH&TS) ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay daahfurtey mashruuc lagau shaqaaleysiinayo ilaa 3000 oo macalimiin ah, kuwaas oo gacan ka geysan doona inay waxbarashi helaan kumanaan carruur Soomaaliyeed oo gaarey daโ€™da waxbarshada balse aan fursad helin. Barnaamijkan ayaa waxaa sidoo kale barbar socon doona furitaanka goobo badan oo waxbarasho oo macalimiintan ay ka hawlgeli doonaan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Sarreeye Guuto Elio Manes oo si Rasmi ah u La Wareegay Taliska Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya

MUQDISHO(SONNA):-Sarreeye Guuto Elio Manes ayaa maanta si rasmi ah u la wareegay xilka Taliyaha Howlgalka…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka oo la kulmay dhiggiisa Dalka Urdun

Muqdisho.(SONNA)...Safiirka Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Dalka Mareykanka Ali Sharif ayaa la kulmay Dina Kawar oo ah Safiirka Dalka Urdun ee…

Gudaha
May 27, 2021

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ฑ๐ฎ๐ฌ๐ญ๐š๐ฒ m๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š c๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž b๐š๐๐ช๐š๐›๐ค๐š b๐ฎ๐ค๐š๐š๐ง๐ค๐š

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr, Cali Xaaji Aadanย ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda lagu xusayey…

GudahaWararka
September 17, 2025

Madaxweyne Qoorqoor oo la kulmay Wasiirro ka tirsan Jabuuti+Sawirro

Jabuti-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane; Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdigiisa oo maalmahan ku sugnaa Dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay…

WararkaWargayska
September 5, 2020

Guddoomiye Aadan Madoobe oo booqday hay’adda maaraynta musiibooyinka

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kormeeray xarunta Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA…

GudahaWararka
August 22, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023