calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Wasiirka cusub ee Cadaaladda XFS oo khadka teleefoonka ay ku wada hadleen mas’uuliyin ka tirsan Dowladda Turkiga.

Wasiirka cusub ee Cadaaladda XFS oo khadka teleefoonka ay ku wada hadleen mas’uuliyin ka tirsan Dowladda Turkiga.
Wasiirka cusub ee Cadaaladda XFS oo khadka teleefoonka ay ku wada hadleen mas’uuliyin ka tirsan Dowladda Turkiga. — SONNA
Muqdisho(SONNA) Wasiirka cusub ee wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Jaamac C/qaadir  Maxamed Nuur (Jaamac) oo khadka lefoonka kula hadlay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda aan walalaha nahay ee Turkiga ayaa ka wada hadlay sida Turkiga uu u soo dhaweynayo dhismaha xukuumadda cusub ee raiisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ay ku soo biireen wasiiro cusub. Wasiirka oo xiriir dhanka Telfoonka ay la soo sameeyeen wasiirka cadaaladda,wasiir kuxigeenka Dalxiiska,iyo wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa waxaa ay ugu hambalyeeyeen xilka cusub ee loo magacaabay,iyagoona u muujiyay soo dhaweyn iyo in ay diyaar u yihiin wada shaqeyn dhexmarta xukuumadda cusub ee la soo dhisay. Mudane C/qaadir Maxamed Nuur ayaa Madaxda qaranka  ugu mahadceliyay sida kalsoonida leh oo ay ugu dhiibeen xilkaasi. “Mahad oo dhan ilaahey SW ayey u sugnaatay,waxaana u mahadcelinayaa madaxweynaha JFS,mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iiusl wasaaraha JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble oo si kalsooni leh iigu igmadey in aan hoggaamiyo wasaaradda Cadaaladda JFS si aan ugu adeego shacabkayga Soomaaliyeed”. Ayuu yiri wasiirka. Wasiir C/qaadir ayaa bedelaya Xasan Xuseen Xaaji oo xilkaasi hayay,kaasi oo isna loo magacaabay wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya,waxaana looga fadhiyaa dardargelinta howlaha horyaala ee u adeegiga qaranka.
La wadaag