Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA
    May 31, 2026
    Jadwalka imtixaanka  fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay
    May 31, 2026
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka
    May 31, 2026
    Horjooge sare Khawaarijta ka tirsan oo howlgal lagu dilay
    May 30, 2026
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo ka qeyb galay dhaarinta Xildhibaanada cusub ee K/Galbeed
    May 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Wasaarada Warfaafinta oo daah furtay Masraxa hal abuurka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Dhaqanka > Wasaarada Warfaafinta oo daah furtay Masraxa hal abuurka
DhaqankaWararka

Wasaarada Warfaafinta oo daah furtay Masraxa hal abuurka

By Aadan Sooyaal
Last updated: December 3, 2019
4 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)- Munaasabad lagu daah furayo masraxa hal abuurka oo loogu talagalay in abwaanada iyo aqoonyahanada ay ku soo bandhigaan sugaan iyo doodo cilmiyeysan ayaa caawa laga hirgeliyay gudaha xarunta Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiirka Maaliyadda Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa caawa si wada jir ah xariga uga jaray masraxa furan, kaasi oo wixii hadda ka dambeeya lagu qaban doono doodo iyo in bulshada loogu soo bandhigo xogta dowladda iyo horumarka ay ku talaabsatay.

Wasiir Maareeya oo hadalkooban ka jeediyay madasha ayaa sheegay in masraxa furan lagu soo bandhigi doono wax badan oo bulshada Soomaaliyeed wax u tara.

“Caawa waxaa halkan sharaf noo ah aniga iyo Wasiirka Maaliyada inaan furno masraxa furan oo ay dhistay Wasaaradda, halkan waxaa lagu qaban doonaan wax badan oo bulshada wax u tarta, madaxda sare ee dalka ayaa halkan imaanaya oo bulshada la hadlaya, oo sida caawa Warbaahinta u joogto ay awood u heli doonaan inay su’aalo ku weydiin karaan madaxdooda, Wasiirada waxa ay u imaan doonaan koox koox” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeya ayaa hoosta ka xariiqay in Warbaahinta Qaranka iyo Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay ay masraxa furan si wadajir ah ugu qaban doonaan doodo.

“Dood cilmiyeedyo ayaa halkan lagu qaban doonaa, gaar ahaan arrinta badda oo aan keeni doono qabiiro dhanka badda ah, waxaan kaloo keeni doonaa arrimaha bulshada dad kala hadla, oo dood ku geli doono, si wada jir ah waxaa dood ugu qaban doono Warbaahinta Qaranka iyo Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay ayay halkan u furan tahay habeen iyo Maalin”.ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Warfaafinta.

Wasiir Maareeye ayaa daboolka ka qaaday in Golaha Murtida iyo Maddadaalada ee Tiyaatarta Qaranka xariga laga jari doono bisha Janaayo ee sanadka cusub, isagoo xusay in dhismaha masraxa hal abuurka ay gacan ka geysatay dhismaheeda Maareeyaha Wakaaladda dhismaha Qaranka.

“Masraxa furan qofkasta waa u furanyahay oo wax u sheegaya bulshadiisa, masraxa furan maamul gaar ah ayuu leeyahay waad imaan kartaan oo waad ku soo bandhigi kartaan xirfadiina iyo aqoontiina, Wakaaladda Horumarinta Dhismaha Soomaaliyeed ayaa gacan nagu siisay dhismaha masraxa furan, iskaa wax u qabso ayaana ku dhisnay runtii waan u mahadcelinayaa Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac” ayuu Wasiirka hadalkiisa ku soo xiray.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo isna xafladda ka hadlay ayaa sheegay in wax badan la qabsan karo, masraxa ay Wasaaradda Warfaafinta hirgelisayna ay qeyb ka tahay horumarka iyo bilicda ka jirta magaalada.

“Wasiirka oo ah nin aftahana ayaa wax waliba sheegay oo soo koobay, masraxa aadka u quruxda badan waxa uu ka midyahay waxyaabaha qurxoon ee maalin kasta la furo, runtii halkan waa meesha wax la isugu sheegi karo., waxa ay fududeyneysa in aragtiyo la isku weeydaarsado, dhismaha waan kaala qeyb galeynaa runtii sida aan ugala qeyb qaadano dhismaha xarumaha Wasaaradaha kale.” Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Munaasadda lagu daah furayay masraxa hal abuurka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Aqalka sare iyo Golaha Shacabka, Maareeyaha Guud Wakaaladda Dhismaha Qaranka, Agaasimaha Guud ee hay’adda Socdaalka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya, Agaasimaha Radio Muqdisho iyo qaar kale oo ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Warfaafinta, marti sharaf iyo fanaaniinta Hobollada Qaranka, kuwaasi oo madasha ku soo bandhigay suugaan ka tarjumeyso horumarka ay dowladda ku talaabsatay iyo baraarujin ku saabsan inay ka qeyb qaataan horumarinta dalka.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad ee Sharciga Dhowrista Xogta (Sharci…

May 31, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ergeyga Madaxweynaha JFS ee wada hadalada Somaliland oo la kulmay Madaxweynaha Jabbuuti

Muqdisho (SONNA) Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Somaliland u qaabilsan Madaxweynaha Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta kullan muhiim ah…

GudahaWararka
April 9, 2023

Wasiirka Qorsheynta XFS oo warbixin ka dhageystay hoggaanka iyo farsama-yaqaannada Mashaariicda SCRP iyo Biyoole

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa maanta warbixin ka dhageystay hoggaanka iyo farsama-yaqaannada…

GudahaWararka
January 11, 2023

Dab xooggan oo qabsaday Dhul beereedka Deegaanka Wisil

Hobyo(S0NNA)--Maamulka Deegaanka Wisil ee Gobolka mudug ayaa faahfaahin ka bixiyay Khasaaraha ka dhashay Dab xooggan oo qabsaday Dhul beereed badan…

WararkaWargayska
July 20, 2020

Wasiirka cadaaladda oo daah-furay imtixaanka bixinta ruqsadda Nootaayada

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta daah-furay imtixaanka bixinta ruqsadda Nootaayada dufcadda saddaaxaad…

GudahaWararka
May 10, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023