Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisulwasaaraha XFS oo Axmed Xasan u magacaabay Agaasimaha Guud ee Arrimaha Caddaaladda
    November 26, 2025
    Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintii saddexaad
    November 26, 2025
    Wasiirka warfaafinta oo gaaray Qaahira oo uu uga qaybgalayo shir muhiim ah
    November 25, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray shirka 2-aad ee hay’adda aqoonsiga Qaranka ee NIRA
    November 25, 2025
    Wasiirka amniga oo Marroco uga qaybgalay shirka 93-aad ee INTERPOL
    November 25, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
Reading: Soomaaliya iyo Baxreyn oo Yeelanaya Iskaashi Ganacsi +SAWIRRO
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Soomaaliya iyo Baxreyn oo Yeelanaya Iskaashi Ganacsi +SAWIRRO
Wararka

Soomaaliya iyo Baxreyn oo Yeelanaya Iskaashi Ganacsi +SAWIRRO

By Kulane
Last updated: February 24, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA)..Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo ay ku wehelinayaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliya, ayaa gaadhay wadanka Baxreyn, waxaana halkaas si weyn ugu soo dhaweeyey oo ay kulan laba geesood ah wada-qaateen dhiggiisa dalkaasi Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Mudane Zayed R. Al Zayani.

Labada Wasiir, waxay ka wada-hadleen siddii loo abuuri lahaa Ganacsi toos ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Baxreyn isla mar ahaantaana la isku furo suuqyada Ganacsi ee labada dal oo la helo khad Maraakiibeed iyo mid Duulimaadyo toosa ah. Waxa kale oo ay carabka ku dhufteen siddii Xoolaha, Kalluunka iyo Dallaga Beeraha Soomaaliya loo keeni lahaa suuqyada Baxreyn.

Wasiiradu, waxa kale oo ay isla-garteen in la helo is-afgarad u dhaxeeya labada Wasaaraddood oo la xidhiidha Ganacsiga, Warshadaha iyo Iskaashiga Dhaqaalaha isla markaana la sameeyo guddi farsamo oo labada dhinac ah kana shaqeeya siddii loo abuuri lahaa xidhiidh Ganacsi  iyo weli ba in la abuuro madal ay ku kulmaan Ganacsatada Soomaaliya iyo dhiggooda Baxreyn sidoo kale na la isku xidho Bangiyada Soomaaliya iyo kuwa Baxreyn si ay u fududaato hannaanka bixinta lacagaha badeecadahu maadaama ay Baxreyn tahay goobta kulmisa Baananka Bariga Dhexe.

Inj. Cabdullaahi Cali Xasan iyo weftigiisu,  waxay intaas ka dib booqasho ku tageen Suuqa Saamiyada lagu kala iibsado ee dalka Baxreyn oo inta badan shirkadaha ku jiraa ay yihiin kuwo ay lee dahay Xukuumaddu sidoo kale na waxay booqdeen qeybo ka mid ah Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska ee dalka Baxreyn gaar ahaan Waaxda Diiwaan-gelinta Shirkadaha Maal-gashiga iyo Waaxda Xakameynta tayada badeecadaha iyo Agabka Ganacsi ee dalka Baxreyn. Waxa kale oo Wasiirku uu booqday shirkadda Tenmou oo ah shirkad Maal-gelin ku sameysa fikradaha Ganacsi ee cusub gaar ahaantaan dhanka Tiknoolajiyadda Isgaadhsiinta, Dalxiiska iyo Duulimaadka.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska ee dalka Baxreyn Mudane Zayed R. Al Zayani, ayaa qado sharaf u sameeyey dhiggiisa dalka Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan iyo weftigii uu hoggaaminaayey.

Ugu dambeyntii, weftigan uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa hore socdaal shaqo ugu soo maray wadanka Cummaan oo ay ka soo wada-hadleen siddii labada dal ay xidhiidh Ganacsi u sameyn lahaayeen, waxaana ay isku soo af-garteen in labada wadan ay yeeshaan heshiis is-af-garad oo u dhaxeeya Wasaaradaha Ganacsiga Soomaaliya iyo Cummaan.

    

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ra’iisulwasaaraha XFS oo Axmed Xasan u magacaabay Agaasimaha Guud ee Arrimaha Caddaaladda

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Agaasimaha Guud ee Arrimaha…

November 26, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka warfaafinta oo soo xiray mashruuc lagu tababaray in ka badan 350 qof oo ku saabsanaa la dagaalanka xagjirka

Muqdisho (SONNA): Barnaamijkaan oo socday muddo laba sano ah 2023/2024, waxaa iska kaashaday Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, hay’adda…

GudahaWararka
September 24, 2024

Madaxda Warfaafinta XFS oo u hambalyeeyay shaqaalaha Wakaaladda SONNA oo u dabbaaldegay xuska 60-aad

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ayaa dhambaal hambalyo ah u diray shaqaalaha Wakaaladda Warareka Soomaaliyeed ee SONNA oo maanta u dabbaaldegay xuska…

Gudaha
January 5, 2024

Shirka Igad oo laga soo saaray warmurtiyeed xambaarsan dhowr qodob oo muhiim ah

Ururka waxa uu aad uga walaacsannahay is-bedellada cusub ee ku yimid xiriirka u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya iyo…

Gudaha
January 19, 2024

Daraasadda Maalgashiga Dalxiiska iyo Martisoorka Soomaaliya oo laga daah-furay Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha ayaa magaalada Muqdisho ku daahfuray Warbixinta Daraasadda Maalgashiga…

GudahaWararka
November 22, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023