Muqdisho.(SONNA)…Siihayaha Wasiirka Waxbarashada XF. Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre,ayaa manta ka warbixiyay ahmiyadda manhajka waxbarashada aas aasiga ah ee ka dhaqangalay Dalka.
Siihayaha Wasiirka oo manta ka qeybgalay Barnaamijka kulanka todobaadka Warbaahinta Qaranka,ayaa sheegay in ย sameynta hal manhaj oo ku baxa luqadda afka Soomaaliga ay tahay in ardayga uu ku barbaaaro dhaqankiisa iyo aqoon guud oo ku qoran ย Soomaali.
Cabdullaahi Goodax Barre ย ayaa xaqiijiyay in lala wareegay 24-dugdi ,haatanna ay socdaan dadaal la doonayo in lala wareego 12-dugsi oo kale,wuxuuna intaa raaciyay in bilooyinka soo socda la nidaamin doono Jamacadaha faraha badan ee ka jira Dalka
Siihayaha Wasiirka Waxbarashada XF. Soomaaliya ayaa sheegay in ย ay socdaan dadaallo ku aadan Sameynta siyaasad guud oo ku wajahan horumarinta waxbarashada Dalka