calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka qeybgalay kulan la xiriiray xiriirka Shiinaha iyo Carabta.

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka qeybgalay kulan la xiriiray xiriirka Shiinaha iyo Carabta.
Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka qeybgalay kulan la xiriiray xiriirka Shiinaha iyo Carabta. — SONNA
afiirka Soomaaliya ee Shiinaha u fadhiya Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa kulan fogaan arag ah  uga qayb galay kaldhigii 9-aad ee dood-wadaaga xiriirka Shiinaha iyo dalalka Carabta. Dood-wadaagan oo soo abaabushay Wasaaradda Hidaha & Dhaqanka ee dowladda Shiinaha iyo ururka Jaamacadda Carabta waxaa ka qeyb galay madax kala duwan oo ka kala socotay dowlaha carabta iyo dowladda Shiinaha. Safiir Cawaale Cali Kullane ayaa sheegay in is dhexgalka xadaaraha Carabta iyo Shiinaha ay tahay mid muhiim u ah dhinacyadaasi,isla markaana loo baahan yahay in shucuubka la baro dhaqamada iyo xadaaradaha shucuubta kala duwan si loo helo isfahan dhan walba ah. . Safiirka Soomaaliya ee Shiinahaayaa si gaar ah uga hadlay xadaaradda iyo ilbaxnimada Shiinaha,wuxuuna tusaale usoo qaatay bad-mareenkii waynaa ee Shiinaha Zheng He ee safar dhanka badda ah ku yimid Soomaaliya bilowgii qarnigii 15-aad. Safiir Cawaale ayaa ku ammaanay dowladda Shiinaha dadaalka ay ku bixisay isdhexgalka bulshadagaar ahaan dhaqdhaqaaqyada gacansi ee Shiinuhu la leeyahay dalalka kale ee dunida.  
La wadaag