Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha cusub ee Hay’adda qaxootiga oo xilka la wareegay
    April 30, 2026
    Shirka golaha wasiirada KGS oo looga hadlay amniga iyo mashaariicda
    April 30, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah
    April 30, 2026
    Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Gaaray Johannesburg kadib Casuumaad uu ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed
    April 30, 2026
    𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 k𝐚 q𝐚𝐲𝐛 g𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐭𝐚𝐫𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚
    April 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Ilaalinta nadaafadda deegaanka waa waajib saaran cid kasta (warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ilaalinta nadaafadda deegaanka waa waajib saaran cid kasta (warbixin)
GudahaMaqaallada

Ilaalinta nadaafadda deegaanka waa waajib saaran cid kasta (warbixin)

By Kulane
Last updated: July 10, 2021
4 Min Read
Share

Dad isjecel iyo dal dhisan waxaa la helaa ama ay imaan kartaa marka qof,qoys ama bulsho ay u istaagaan dhowrista deegaanka iyo ka hortagga wax kasta oo caqabad ku ah habsami u socodka horumarka dalka,gaar ahaan goobaha laga fuliyo adegyada bulshada sida waddooyinka,suuqyada iyo wixii kale oo la mid ah.

Nadaafadu waa aasaaska nolosha ,waana iimaanka barkii,taasoo macnaheedu yahay in dadku ay ku xisaabtamaan in mar kasta oo qashin uu deris kula yahay uu kuu dhow yahay cudurku,sidaa aawadeedna ay haboon tahay in lagu baraarugo Kahortaggu in uu ka wanaagsan yahay raadinta xalka dhibaatada.

Haddaba, maxaa sababay in dad badan ay caado ka dhigtaan in wadddooyinka iyo xaafadaha ay ku daadiyaan biyaha wasaq ah iyo qashin aad u fara badan oo ka haray waxyaabaha daruuriyaadka ah ee lagu  isticmaalo guryaha iyo alaabooyinka kale ee lagu qaato adeegyada,sida bacaha iyo baakadaha ?.

Si looga fogaado nadaafad darida ay sababaan cudurada faafa,sida Mallaariyada,Tifoowga,Shubanka iyo dullinka dad ku noolka ah,Waxaa lagama marmaan ah in maamulka degmo kasta ay sameystaan ciidamo ama kooxo u howlgala wax ka qabashada qashinka iyo biyaha wasaqda ah ee lagu qubo waddooyinka xaafadaha.

Waxaa qasab ah in ay jiraan goobo loogu talagalay in la dhigo qashinka iyo diyaarintii gawaari ka qaada haraaga wasaqda,sidaa daraadeed dowladda Federaalka iyo kan gobolka waxaa looga fadhiyaa in ay ku dhaqaaqaan wax ka qabashada arimahaa.

Maaamul wanaagsan ayaa xil iska saara sidii mudnaanta loo siin lahaa fayo qabka deegaaanka ,iyadoo mar kasta xoogga la saarayo dhismaha haaman iyo booyado loogu talagaly in lagu qaado qashinka iyo biyaha wasaqda ah ee yaalla inta badaan xaafadaha magaalada Muqdisho.

Waa in la sameeyo wacyigelin joogto ah oo dadka loogu sheegayo in biyaha iyo wasaqda ay ka ilaaliyaan waddooyinka oo dayactirkooda iyo dhismahoodu ay ku baxeenlacago fara badan iyo in sidoo kale dadka lagu baraarujiyo halista nadaafad daridu ay u keento bulshada.

Sidoo kale,waxaa habbon in cid kasta ay u howlgasho qurxinta deegaanka ama goobta ay ku nool yihiin,iyadoo xoogga la saarayo gannaax lacageed oo lagu soo rogo ciddii isku dayda in ay qashin iyo biyo wasaq ah ku shubaan waddooyinka ama xaafadaha .

Waxaa farxad ah in ay socdaan dadaallo gaabis ah oo la doonayo in lagu qaado haraaga qashinka ay ka tageen biyaha roobka ee ku soo rogmaday qeybo ka mid ah waddooyinka iyo xaafadaha gobolka Banaadir.

Maamulka gobolka iyo kan degmooyinka ,waxa looga fadhiyaa in ay dib u eegis ku sameeyaan howlaha kutalagal ee horyaalla,gaar ahaan kahortagga burburka ku soo noq-noqda waddoooyinka illa hadda la dayactiray,iyadoo sidoo kale ay lama huraan tahay in wax laga qabto faafidda cudurada qatarta ah ee ka dhasha biyaha wasaqda ah ee lagu daadiyo waddooyinka iyo xaafadaha.

Ogoow ilaalinta nadaafadda deegaanka waa waajib saaran cid kasta,sidaa daraadeed, ka hortaggu waxa uu ka wanaagsan yahay xallinta dhibaatada,taasoo macnaheedu yahay inta qashinku kuu jiro ayuu cudurku kuu jiraa.

W/qoray Shire Xasan Kulmiye

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha cusub ee Hay’adda qaxootiga oo xilka la wareegay

Muqdisho (SONNA): Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS mudane Abdihakim Ashkir…

April 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo maanta dooranayo guddoomiyaha guddiga.

Muqdisho(SONNA)-Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa maanta lagu wadaa in ay magaalada Muqdisho ku doortaan guddoon cusub ka dib markii dhawaan…

GudahaWararka
January 15, 2022

Wasiirka arrimaha gudaha oo kormeeray xarunta hay’adda maaraynta masiibooyinka

Muqdisho (SONNA): Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta booqasho ku yimid xarunta…

GudahaWararka
February 20, 2023

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada XFS oo kulan la qaatay madaxa sanduuqa horumarinta dalka boqortooyada Sacuudiga

Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar…

GudahaWararka
December 12, 2024

Madaxa la dagaalanka musuqa oo ka warbixiyay waxqabadka guddigaasi

Gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa Abuukaate Maxamed Xuseen Xaamud ayaa manta ka warbixiyay kulan ku aadan la…

Gudaha
January 7, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023