calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya oo hoos u dhigaya calanka midawga Afrika si ay baroor diiq ugu sameeyaan Madaxweynihii  Burundi ee geeriyooday

Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya  oo hoos u dhigaya calanka midawga Afrika si ay baroor diiq ugu sameeyaan Madaxweynihii  Burundi ee geeriyooday
Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya oo hoos u dhigaya calanka midawga Afrika si ay baroor diiq ugu sameeyaan Madaxweynihii  Burundi ee geeriyooday — SONNA
Muqdisho(SONNA)-Hawl-galka Midowga Africa ee AMISOM  ayaa waxa ay hoos u dhigayaan calanka Midowga Africa ee suran xaruntooda Muqdisho, magaalooyinka kale iyo dhamaan fariisimaha ay ku leeyihiin Soomaaliya si ay xurmo uga sameeyaan madaxweynihii Burundi, Pierre Nkurunziza oo geeriyooday asbuucii hore. Madaxa AMISOM, Ambassador Modera oo ka tacsiyeeyey geerida Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxweyne Pierre si madaalenimo ah uu ugala shaqeeyey midowga Africa sidii nabbad iyo amaan looga dhigi lahaa Soomaaliya. Modera ayaa faray xarumaha AMISOM in ay calanka Midowga Africa hoos u dhigaan ilaa laga gaarayo habeenka Salaasada saqda dhexe, June 16, taasi oo ah xus, ay ku xushmaynayaan kaalintii Madaxweyne Burundi uu ku lahaa hawsha aya ciidankaasi ka hayaan dalka Soomaaliya. Ciidanka Burundi ayaa kamida ciidanka AMISOM ee mudada ka badan 10-sano hawl-galka nabbad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya, waxaana ay joogaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo labada Shabelle.
La wadaag