Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Safiirka JFS ee Dalka Liibiya oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo
    June 14, 2026
    Madaxweynaha Hirshabeelle oo Jowhar Casho Sharaf ugu Sameeyay Saxafiyiinta iyo Hobollada Qaranka Waaberi
    June 14, 2026
    Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka qayb galay kulan dadweyne oo lagu qabtay Xarunta Degmada Shingaani
    June 14, 2026
    Bulshada Cabudwaaq oo soo dhoweeyay doorashada Qof iyo codka ah
    June 13, 2026
    Wasaaradda Cadaaladda XFS oo daah-furtay Nootaayooyin cusub
    June 13, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Garsoore Cumar Cartan waxaa laga yaabaa inay sidaasi kheyr ugu jirto
    June 10, 2026
    Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha
    June 9, 2026
    Warbixin cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’
    June 3, 2026
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed ee da’doodu ka yar tahay 17-sano oo galabta sameynaya taariikh cusub
    June 13, 2026
    Bulshada Soomaaliyeed oo ka falcelisay soo celinta Garsoore Cumar Cartan
    June 11, 2026
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
Reading: Maxay Ka Dhigantahay Qorshaha Dayn Cafinta Soomaaliya?
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Maxay Ka Dhigantahay Qorshaha Dayn Cafinta Soomaaliya?
MaqaalladaWararka

Maxay Ka Dhigantahay Qorshaha Dayn Cafinta Soomaaliya?

By Aadan Sooyaal
Last updated: April 1, 2020
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA)-Warbixin ay soo saartay Hey’adda Lacagta Adduunka 25-kii bisha Maarso  ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay gaartay calaamadda loo yaqaano “go’aan qaadasho” ee amaahda looga cafiyo wadamada la dhibaateysan deymaha, taas oo ka dhigan iney Soomaaliya noqoto wadddanka 37-aad ee marxaladdaan soo gaarta.

Madaxda dowladda oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guushaan weyn ee usoo hoyatay qaranka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo  ayaa sheegay in dowladdu sii laba jibbaari doonto  dadaallada horumarinta dhaqaalaha dalka si  Soomaaliya  ay xubin uga noqoto Hay’adda Dammaanad-Qaadka Maalgeshiga Caalamiga oo ah tallaabo kale oo xoojineysa in dalkeenna ay ku soo hirtaan maalgashadeyaasha caalamiga iyagoo aan welwel ka qabin masiirka hantida ay ku maalgashanayaan dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa xusay in guushaan ku timid wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo  deganaashaha siyaasadeed ee dala ka jirtay  3-dii sano ee lasoo dhaafay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa isna sheegay in guusha maanta laga gaaray deyn cafinta  ay ku timid dadaal xooggan oo dowladdu ku bixisay dib u habeynta dhaqaalaha dalka ayna sii wadi doonto si ay u xaqiijiso horumar dhaqaale.

Dhanka kale, waxaa guushaan soo dhaweeyay beesha caalamka iyo wadamada si gaar ah Soomaaliya u caawiya.

Madaxweynaha Bangiga Adduunka ayaa soo dhaweeyay guusha Soomaaliya ka gaartay dayn cafinta.

Dowladda Qadar ayaa ugu hambalyeysay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed go’aankan iyo dadaallada ay sameeyeen si ay u gaaraan marxaladdan dayn bixinta ah.

Dowladda Qadar ayaa sheegtay in Soomaaliya ay gashay mar-xalad cusub, iyadoo ballan qaaday inay sii wadi doonto garab istaagga shacabka Soomaaliyeed ee hiigsanaya mustaqbal wanaagsan iyo barwaaqo.

Dhanka kale, safiirka Maraykan u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto oo lasoo xiriiray Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ugu hambalyeeyay guusha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed gaareen, isagoo sheegay in Maraykanku ku garab taagan yahay Dowladda Soomaaliya barnaamijka habaynta dhaqaalaha.

Sida uu sheegay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre guusha la gaaray qorshaha dayn cafinta  ayaa Soomaaliya ugu dhigan sida soo socota:

  • Soomaaliya waxey heli doontaa xuquuqda ay ku leedahay hay’adaha dhaqaalaha adduunka sida Bangiga Adduunka, Hay’adda Lacagta Adduunka, Bangiga Horumarinta Africa, Bangiga Islaamka iyo dhammaan hay’adaha horumarinta ee dowladaha dunida.
  • Guushaan waxey fursad fiican u fureysaa ganacsatada Soomaaliyeed gobol kasta oo ay joogaan.
  • Soomaaliya ayaa heli doonta dhaqaalo fiican, taas oo micnaheedu yahay in dalku helo dib u dhis iyo horumar dhinacyada adeega bulshada sida caafimaadka iyo waxbrashada.
  • Waxaa billaaban doonta in shacabka Soomaaliyeed helaan adeegyo waafi ah oo noloshooda wax ka beddela.
  • Dowladdda Soomaaliyeed waxey heleysaa in dunidu ku aaminto dhaqaalaha dalka soo galaya taas oo ah waji cusub oo Soomaaliya yeelaneyso hadda kadib.
  • Waxaa Bangiyada Soomaaliyeed u dhib yaraan doona la maacaamiilka Bangiyada caalamka.
  • In heerkaan laga gaaro barnaamijka dayn cafinta waxey caddeyneysaa in dadka Soomaliyeed kasoo bixi karaan shuruud kasta oo la hordhigo markey gacmaha is qabsadaan.
  • Dowladda Soomaaliya ayaa hadda kadib awood u yeelan doonta in ay toos ula macaamisho wadamada adduunka iyadoon u marin hay’ado kale.

W/D: Axmed Maxamed Axmed

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Safiirka JFS ee Dalka Liibiya oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo

Muqdisho(SONNA);-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Liibiya, Mudane Cabdifataax Sheekh Axmed Cabdulmanaan, ayaa warqadaha aqoonsiga…

June 14, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Qalab Caafimaad oo la guddoonsiiyay Isbitaal Banaadir

Muqdisho(SONNA)--Qalab Caafimaad oo isugu jira sariiraha bukaanka loogu talo galay iyo agab kale ayaa waxaa Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada…

WararkaWargayska
March 24, 2020

Madaxweynaha JFS oo sheegay in dowladda ay ka go’antahay ciribtirka argagixisada xilli uu maanta kulan la yeeshay laamaha amniga dalka

Muqdisho (SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan ku…

GudahaWararka
March 14, 2024

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo la duuleysa qorshaha ciribtirka khawaarijta ayaa garab buuxa oo caafimaad siineysa ciidamadda dowladda

Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaliya oo ka duuleysa qorsha ciribtirka Khawaarijta ayaa qorshaynaysa sidii adeeg Caafimaad ay…

GudahaWararka
August 26, 2023

Boliiska Soomaaliya oo dhex galay beelihii ku dagaallamay Shabeellada dhexe

Cadale-(SONNA)-Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa cutub ka mid ah Ciidanka Daraawiishta Boliiska Soomaaliyeed u diray deegaanno hoos taga degmada Cadale,…

GudahaWararka
November 1, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023